![]() |
Cairo International Stadium |
Jammaahiirta kubadda cagta sida dhaw ula socda ayaa caawa
isha ku haysa garoonka weyn ee Cairo International, halkaas oo ay ku
madalsanyihiin xulalka awoodda ku yimid cayaar dhammaadka AFCON 2019 ee Senegal
iyo Algeria.
Labada tababare ee Aliou Cissé iyo Djamel Belmadi ayaa
mid walbaahi xusul duub ugu jiraa sidii uu sooyaal cusub u diiwaan gashan
lahaa, magaca koobkana dalka uu wakiilka ka yahay loogu qori lahaa wallow
layliyaha Senegal uu weyn doono daafac dhexehiisa birta ah islamarkaan ah kan
ugu fiican waqti xaadirkaan afrika ee Kalidou Koulibaly - kaas oo ay isu dul
koreen calaamadaha hurdiga ah ee ganaaxa.
Algeria oo ku duuleysa hogaamiyahooda - wiilka heysta
Premier League fasal cayaareedkii la soo dhaafay - dadabka midigna kaga cayaara
Man City ee Riyad Mahrez ayaa fiidda sare laaceysa markeedii labaad kaddib 1990-kii
oo ay noqotay horyaalka afrika.
Waxayse Sinigaaliyiintu dhaayaha ku hayaan geesigooda
xagaagii la soo dhaafay is-daba dhigay naadiyadii magaca ku lahaa qaaradda
Yurub, gacantana ku dhigay UEFA Champions League ee Sadio Mané - kaas oo
markoodii ugu horreysa gacanta u saari kara Africa Cup of Nations, kagadaal
guul darradii soo gaartay sanaddii 2002-dii oo ay Cameroon ku garaacday gool ku
laad 3-2 ahaa cayaar ka dhacday wadankii xilligaas marti gelinayay ee Mali.
Labada xul ayaa ka soo wada baxay Group-C, kulankoodii
kan ka horreeyana waxa ay guusha raacday Algeria oo kaga badisay Senegal gool
iyo waxba', waxa ayna kaga mahad celinayaan guushaas cayaaryahankooda Youcef
Belaili.
Aljeeriyiintu waxa ay leeyihiin mar kale ayaan garaaci
karnaa Senegal hase ahaatee Sinigaaliyiinta ayaa u arka iney fursadani tahay
tii ay ku aar gudan lahaayeen.
![]() |
Labada tababare |
Layliyaha Algeria 'Djamel Belmadi' oo ka hadlay cayaarta
ayaa yiri "Waxa iska cad mar haddii aad soo gaarto cayaar dhammaadka in
ujeeddada ugu weyn ee aad leedahay ay tahay keliya guul, go'aan laguma qaadan
karo kulankii group-yada balse waa farqiga inoo dhaxeeya".
Tababaraha Senegal 'Aliou Cissé' oo ah kii gool ku
laadkii uu khasaariyay Cameroon guusha ku raacday sanaddii 2002-da Dhankiisa
waa uu hadlay waxa uuna yiri " Guuldarradeydii 2002-da weli kama aysan
bixin maankeyga, waa waxa igu dhaliyay inaan noqdo layliyaha xulka islamarkaana
awoodda ii siiyay inaan Senegal ku hogaamiyo cayaar dhammaadka AFCON 2019,
waxaan u sheegay cayaartoyda iney la yimaadaan waxqabad ka wanaagsan
jiilkeyga".
Intaa ayuu sii raaciyay in Algeria ay tahay xul wanaagsan
oo uu ixtiraamayo balse qorshahooda iminka yahay guul iyo koob.
Gunaanad
Tartanka qaramada afrika ee caawa lagu wado
gunaanadkiisa inuu ka dhaco dalka
waqooyiga afrika dhaca ee Masar, waa kii 32-aad tan iyo inta la bilaabay 62
sano ka hor oo ku suntan1957.
Tan iyo waagaas 11 ka mid ah waxa ku guuleystay dalalka
Waqooyiga Afrika dhaca ee Carabta, halka inta soo hartay ay guusha dhankooda
tahay africada madaw.
Algeria ayaa taagan cayaar dhammaadka AFCON markeedii
seddexaad taariikhda, Mar qura ayay horay ugu guuleysatay marna waa laga qaaday
halka markeeda seddaxaad dacalka ku dhagantahay koobka oo ay dooneyso iney la
hoyoto.
Senegal ayay u tahay markeedii labaad oo ay heerkaan soo
gaareyso, markii koowaad waxa ay aheyd sanaddii 2002-dii, Cameroon ayaa ku
garaacday gool ku laad 3-2 ahaa cayaar ka dhacday Mali, balse markaan ayay ku
mitideysaa sidii magaceeda loogu qori lahaa AFCON 2019.
Koobkaan oo uu soo agaasimo xiriirka kubadda cagta
qaaradda africa ee CAF, ayaa sanaddaan waxa ka qeyb galayay 24 xul markii ugu
horreysay - maadaama dhawrkii sano ee la soo dhaafay tiradu aheyd 16 xul
keliya.
Garoonka caawa lagu qabanayo cayaarta kama danbeysta ah ee
AFCON 2019 waa Cairo International Stadium oo la daah furay 23 July sanaddii
1960, Waxa uu qaadkiisu yahay 75,000, waxa uuna ku yaalaa magaalada Qaahira ee
xaruunta dalka Masar.
No comments:
Post a Comment