Way dhacaysaa mar walba. Sida xooluhu u rakaadaan
fulinta kahorna, waa lama huraan in xukuumad walba oo dhalata la kowsato.
Is-qabqabsiga madaxda ugu sarreysa dalka waa arrin laga yaabo in badan inay u
qaataan si fudud. Balse xaqiiqdu waa inay tahay mid masiiri ah oo raadeynaysa
hayaanka fog ee loogu jiro gaarista dowlad wanaagga.
Mar walba oo dhawaaqa mooshinku uu kusoo dhaco
dhegaha bulshada, qofna mafisho in si dhib yar loo damiyo. Saadaasha laga
bixiyana aalaaba waxay u dhamaataa sida loo bato - hal mas'uul inuu xilka
banneeyo.
Balse ilaa iyo hadda mid ayaysan si guud uga
dhaadhicin muwaadiniinta, siiba kuwa u dhuun daloola falan-qeynta siyaasadda
dalka? Bilowga sannadkii hore oo dalku galay marxalad hoggaamiye loogu doortay
Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo, wuxuu ahaa dhamaadka is-qabqabsi badan oo
dowladdii ka horreysay - oo saddex RW mid walba mar soo hoggaamiyay
xukuumaddeeda - ay ku sogootisay muddo xilliyeedkeeda. Sawirraddii taariikhda
galay ee saddexda mas'uul ee xilka isaga danbeeyey kuwada muujiyeen midnimo iyo
isu-tanaasul iyo hadalladdii qiirada waddaniyadeed lahaa ee lagu daah-furayay
waaga kale ee Soomaaliya u baryay, qofna xisaabta kuma darsan in dowladda cusub
wajihi doonto wixii horay looga bartay dowladihii xilka kaga horreeyey. Taas
waa marka loo eego codkii aqlabiyadda lahaa oo Mudanayaasha Barlamaanku ay
hoggaanka ugu dhiibeen MD Farmaajo.
In kasta oo dhowr tallaabood oo bogaadin iyo amaanba
ugu filan xukuumadda ay horay u qaaday, haddana taasi kama horjoogsan inay la timaado
dhaliilo uga yimid Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.
Biseylka laga gaarayo ilbaxnimada xurriyadda hadalka
iyo qadarinta afkaaraha iska soo horjeeda - iyada oo taasi aan loo mareynin
dhaqankii ku dhisnaa cunfiga iyo gacan-ka-hadalka - waxay ifafaalo fiican u
tahay geeeddi-socodka hannaanka dowliga ah ee dalku ku socdo. Hayeeshe, is-mari
waaga mararka qaar u xuubsiibta cuuryaamin ku timaada howlaha iyo adeegyada
bulshada, waxay iyadna iftiinka yar ee umadda u baxay kaga ridaysaa ceel
guntiis.
Xaqiiqda qaraar oo ay qasab tahay inaan liqno waxa ay
tahay sababta marka aan maqalno Mooshin loola xiriiriyo madaxda ugu sarreysa
dalka. Jiritaanka xaalado badan oo masiiri ah oo ay muhiim tahay in
mudanayaasha sharafta leh ay isla qaadaa-dhigaan sida abaaraha dalka kusoo
noqnoqda, wax-barashada, shaqa-la'aanta iyo wixii la halmaala, sababta soo
celcelinaysa is-qabqabsiga mas'uuliyiinta dalka, dad badan waxay ku tilmaami
karaan mid aan ka turjumeynin danaha qaranka.
Balse iyada oo la fiirinayo marxaladda
geeddi-socodka dowladeed oo hadba gabbalku ugu dhacayo fogaan kaabiga ku heysa
is-qaadasho, in kale ayaa ku hal-adag in is-qab-qabsiga madaxda ugu sarreysa
dalka ay iftiiminayso milgo laga yaabo inaysan u wada muuqan indhaha bulshada,
hayeeshe gabagabada lagu baritaari doono halka sartu ka qurunsan tahay.
Waxaase midda hore xoojin kara ayaa ah sababta
labadii mas'uul ee is-qabataba uu midba kan kale - inta karaankiisa - isku dayo
inuu saaxada siyaasadda kala baxo. Isaguna noqdo midka libinta ku geeraara.
Khilaafku waa mid soo taagnaa taniyo markii ina
Aadan arlada la dul-dejiyay, waana mid jiraya ilaa iyo inta Eebe u qadaro.
Laakiin inaan garan karno sida khilaafka looga ilaaliyo inuu gaaro heer danta
inaga wada dhaxeysa uu halista u loogo, waxay caddeyn u tahay sida liidata oo
aan ugu dabaal-degi la'nahay kala fikir duwanaanshaheenna.
Sideedaba ma ahan wax madaxdeenna gaar ku ah inay
iskula dhacaan shaqo shacbigu u wada igmaday. Waa dhaqan caalami ah oo
dowladaha adduun weynaha dhexdooda ka dhasha. Waxaase aad u kala duwan asluubta
loo maro xalinta khilaafka soo kordha. Waana midda ka turjumeysa sida aan wali
ugu bislaanin aqbalista arrimaha la isku qabto iyo qaadashada go'aanka ugu sahlan
ee lagu dhammeyn karo. Waxay ahayd sannado kahor markii madaxda ugu sarreysa
dalka Turkiga ay isku qabteen arrin masiiri ah oo raadeyn kartay mustaqbalka u iftiimaya
iyo geeddi-socodka horumarineed oo ay hiigsanayaan haddii aysan isku tanaasuli
laheyn.
Maalmahan oo lagu jiro xaalad siyaasadeed oo meel
lagu saleeyo loo la'yahay, waa muhiim in madaxdeennu tix-gelin u sameeyaan
danaha iyo dareenka bulshada kuwaas oo mooshin walba oo ay maqlaan ka qaada rajo
xumi liifadda u gaabisa ileyska yar ee u baxaya.