![]() |
Qallin jebiyaasha MU 2018 |
Waxaan Farxadda la qaadanayaa Ardayda ka qallin baddeshay
kulliyadda Siyaasadda iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Muqdihsho, gaar ahaan qeybta
Saxaafadda.
Saddex sano ka hor ayaan ku qallin-jebinnay 12 Arday isla
kulliyadaan, maanta sidii oo kale ayay 12 ka mira dhaliyeen dedaalkoodii ay soo
wadeen afartii sano ee la soo dhaafay.
Waxa ii kulansan labo farxadood oo middood ii gaar tahay, midna aan
la qabo Suxufiyiintaas Cilmi ahaan u bartay mihnaddaan qiimaha badan, samir iyo
harjad dheer kaddibna arkay biya-dhaca hayaan soo qaatay afar sano.
Waxay ii aheyd dufcadii ugu horreysay ee aan safar la soo galo,
inaan u ahaa muxaadir labadii Simistar ee ugu danbeysay 7-8, islamarkaana aan kamid ahaa barayaashoodii jaamacadda
haddane waxay ii ahaayeen saaxiibo aan ka kororsaday la jirkooda cilmi iyo
dabeecad, waxay ii muujiyeen jaceyl saaxiibnimo ka sokow xishmadda iyo
waajibaadka innaga dhaxeeyay.
Qaarkood horey ayaan u soo wadaagnay shaqo, kuwo kale iminka ayaan
isku goob ka wada shaqeynaa, halka asxaab kalane aan isku barannay geedigaan ku
soo dhamaaday guusha.
Hase ahaatee kala qaad la'aan waxa aan ku ammaani karaa shaqsiyaad
tacliin iyo jiheynba u diyaarsan iney ahaayeen, iyana ku wanaagsanaa tala
siinta barayaashooda iyo bulshada inta ay ka dhex shaqeeyaa.
Waa hubanti xarumaha ay joogaan iyo inta ay la shaqeeyaanba iney
marag ka yihiin erayada qormadaan ku dhigan, waa madaalayaal u dhabar adeegay
caqabaadka isku guntan ee marba ka soo food saarayay saddex xagalka ay ku dhex
jireen, Waxbarashada--Shaqada iyo nolasha magaalada oo ay ka marag yihiin inta
ku qaata waayahooda nolasha ee weliba shibilka ah.
Isu-geyn dabadeed waxa aan farriinteyda farxadda la qeybsanayaa ardayda-
waalidka- bahda saxaafadda iyo dhammaan bulshada ay codka u yihiin, waxaana
leeyahay waxaad furteen illinkii tacliinta-- waxa idinka iyo innagaba aan kula
dar-daarmayaa harjad aan dhamaad laheyn iyo nolol ku dhisan aqoon.
Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo