Wednesday, August 1, 2018

Baraha Bulshada oo isku bedelay Fadhi-ku-dirirka Casriga !!

Google image
Madaxdeena maskaxdooda ayaa notebook u ah! Marka ka daaya mashquulka ragaan dantooda ha wataane; inaguna marqaatiyaal baynu kanahay xalkaas! Anaguna ficilkeenu ha ahaado Fadhi-ku-dirir.

Oraahdaasi waa mid kamid ah dhowr faallo oo laga bixiyay sawir muujinaya madax Soomaaliyeed oo la shirsan ergo ku suganeed shir caalami ah oo lagu qabtay dalka Belgium-ka.

Mid kale ayaa kusoo aragti dhiibanaya: raggaas dadka ka sugaya hoggaan iyo dowlad ayaa meel cidlo ah fadhiya waa rag ka fikiraya nin walba wuxu laqi lahaa; waxaana cadeyn kuu ah waxa loo aqrinayo miiska ayay uga soo tagayaan laakiin wixii qarash ah way soo qaadanayaan.

Dhowr aragtiyo kala duwan ah ayaa laga bixiyay sawirkan kuwaas oo badigood aan u muuqan kuwa beeri kara toosin iyo wax sixid, balse jid u furayay dhaleeceyn iyo meel-ka-dhac shaqsiyadeed oo lagala dul-dhaco dadka maqaam ahaan bulshada ku matala xilal muhiim ah.

Malada fiican waa cashar u dhiman in loo dhigo kumaanka kun ee ku xiran baraha bulshada kuwaa oo wixii lasoo hor-dhigaba si laab-kaca xukun degdeg ah ugu rida. Mararka qaar, intooda badan waxay si kalsooni leh ugu dhiirradaan inay mad-harka ka qiimeeyaan uur aysan gudihiisa ogaal u lahayn.

Nasiib-darro, kani ma ahan dhacdada kaliya ee mar la’arag ku ah baraha bulshada. Waxaa jira dhowr sheekooyin qofeed ku saabsan shaqsiyaad maqaam ahaan kala sarreeya kuwaas oo lagu xad-gudbo shaqsiyadooda gaarka ah.

Baraha Bulshadu waxaa ugu danbeyn lagu sifeyn karaa fadhi-ku-dirirkii qaddiimiga ahaa ee la iskugu imaan jiray goob cayiman. Balse gudo ahaan aad bay uga macno ballaaran yahiin marka la fiiriyo baaxadda ay la’eg yahiin tirada dadka ku midaysan oo – iyaga oo ku kala nool meelo kala duwan – awoodi kara inay gorfeeyaan dhacdo socota.

Waxa ka dhigay Bar-kulanka Baraha Bulshadu duni u furan gorfeynta iyo faaqidaada dhacdooyinka maalinlaha ah waa in da’deedu aysan lahayn xad lagu yaqaan.

Si mida gayaanka ku jira hana-qaadka hore ee nolosha iyo da’da culus waxay wadajir isula jaan-qaadaan qaadaa-dhigga sheekooyinka dharaar kasta lala  noolyahay ee lasoo dhigo baraha haba ugu horreyo facebook.

Qoraallada isugu jira taariikhaha, siyaasadda, ciyaaraha, jaceylka iyo maaweelada,  ayaa udub dhexaad u ah is-dhaafsiga aragtiyada iyo soo-gudbinta macluumaadka ka kala dahsoon. Waana dhinaca fiican.

Balse mid aan helin mudnaantii loo baahnaa ama aan loo yeelan fiiro gaar ah waa marka ay timaado ka-hadalka dhacdooyinka la xiriira xurriyadda shaqsiyaadka ama marka la rabo in laga fal-celiyo fikirka qofka.

Waxa yaab leh in qofka fikirkiisa ama muuqaalka lagu arko sumad ahaan loogu naaneyso ama xifaalo ahaan la isla dhex maro baraha bulshada. Toddobaad walba waxaa taagan dhacdooyin shaqsiyadeed kuwaas oo – in kasta oo fikradahooda aan lala wada dhici Karin – aan xaqna aysan taasi albaab u furi Karin ku xad-gudubka qofnimadooda gaarka ah.

Hal-dhacdo iyo dhowr fikradood oo aad qofka ku kala duwan tihiin micnaheedu ma ahan inay keensaneyso inaad xusuusan weydo waxyaalaha ama fikradaha aad ka midaysan tihiin. Kamana dhigna inay taasi la imaan karto kala-tag iyo ilaaq ama muran ku dhisan aflagaado. Waayo waxaa badan inta laga wada siman yahay aragti ahaan.

Ayaan-darro falsafaddani ma ahan mid sahay u ah saaxiibada ku midaysan baraha bulshada. Taas bedelkeeda aragtida kale ee ku dhex baahsan baraha kala duwan waa naqdin indha la’ iyo canbaareyn qaawan oo qofka lagula kaco.

Sideedaba xurriyadda qofku waxay ku eg tahay meesha ay ka bilaabato qofka kale xurriyaddiisa. Dhaqan ahaan, dib markii aynu u fiirino siduu ahaa wada-hadalkeennii hore, waxaan soo heli karnaa inuusan mar walba yeelan jirin dhammaad farxad leh.


Maanta oo la yimid hannaan sahlaya fadhi-ku-dirir aan ugu yaraan gacmaha la iskula tagi Karin – oo masaafo ahaan aad loo kala fog yahay – waa lama huraan in la qadariyo hoggaanka umadda si walba oo ay u leeyihiin dhaliilna waa in loo maraa tilmaanta dhaliishooda sifaha saxda ah.

Saturday, July 21, 2018

Yoonis Cali Nuur; Shumac ka baxay Saxaafadda Soomaalida!!!!!!!!!

Facebook
Alle ya raxma; Waxa uu ahaa mid kamid ah ragga aan iga go'aynin nolasheyda marka laga hadlo saxaafadda soomaalida, waxaan la kawsaday dhageysigiisa horraantii 2003-da  aniga oo markaas aad u jeclaa mihnadaan aan lugta la galay 2011.

Inkasta oo aan garaneyn cod ahaan mooyee muuqiisa dhabta ah oo aysan ii suuragelin la kulankiisa inta uu noolaa; ka sokow sawirada iyo muuqaalada baraha bulshada haddane waxaan hubaa inuu iiga dhignaa shaqsi muddo aan isnaqiin sida aan ugu xirnaa ee aan u jeclaa barnaamijyada uu daadihiyo.

Ereybixinada uu adeegsado, xirfadda isku xirka wararka iyo codkiisa oo gaar ah  kana duwan wartabiyaasha la shaqeynayay ayaa iiga dhigay saaxiib aan ka kaga naxay geeridiisa sida qof ii dhaw.

Waa ay jiraan wariyaal iminka nool oo wali ii ah macallimiin sida Yoonis Cali Nuur, Allaha u naxariistee oo aan ka barto erey bixinnada, Axmed Cabdi Nuur, C Nuur Sheekh Mxd Isxaaq, C risaaq Xaaji Mxd Siraad iyo Yuusuf garaad oo siyaasi isku rogay balse aan ku xiranahay Blogiisa ayaana ka mid ah.

Muddada dheer ee uu saxaafadda ku jiray waxay siisay sumcadda bulshada dhexdeeda ka sokow in lagu daro liiska halyeeyada saxaafadeed ee bari caan ka soo ahaa dalka, taas oo aan ku xusuusto mar darsi jaamacadda ley siinayay inuu ka mid ahaa shaqsiyaad darsiga ku jiray oo dhegaha bulshada qabsaday billawgii FM ku hadla afkeenna hooyo.

Dabeecad Wanaagga iyo xirfad aqoonnimada ay ka sheegeen inta taqaan ama la soo shaqeysay waxay ka marag tahay shaqsiyadda uu ahaa, Eebaw gadaashiis hana fidneyn.


Waa dhabbe ina wada sugaya dhammaanteen, waxana alle uga baryayaa inuu ku abaal mariyo jannadiisa Farduus.

Sunday, July 15, 2018

Sooyaalka Ciyaar dhamaadka koobka dunida ka hor caawa

Dhacdada ugu weyn kubadda cagta oo ah ciyaar dhamaadka koobka aduunka uu agaasimo xiriirka caalamiga ah ee kubadda cagta ee FIFA, ayaa waxa isaga hor imaanaya xulalka France & Croatia.

Waa tartan xilliyeed afartii sanaba mar la qabto tan iyo 1930-kii, keliya marka laga reebo sanadihii 1942, 1946, oo dagaalkii labaad ee dunida awgiis aan loo qaban.

Xulka Jarmalka ayaa ah geesiga tartankaan ka hor 8 fiidnimo ee caawa oo ay kala cadaan doonto cidda kala wareegeysa kursi sharafeedkaas sanadaan 2018.

Caadiyan ciyaartu waa 90 daqiiqo oo loo kala jaray min 45 daqiiqo, waxaana u dhaxeeya 15 daqiiqo oo nasiinno ah, tiiyoo dhici karto in ciyaarta leysku mari waayo xattaa daqiiqadaha beer darrada ah, markaas oo loo baahdo waqti dheeraad ah oo isna haddii leysku mari waayo sheekadu ku soo biyo shubato gool ku laad.

Hase ahaatee mar ayay dhacday in aysan ciyaarta kama danbeysta ahi sidaas noqon waana sanaddii 1950, xiliigaas tartanka waxa isugu soo haray 4 xul oo kolkii danbe Uruguay loo gartay iney hanato madaama ay dhibcaha ugu badan ay uruursatay.

20-kii tartan ee la qabtay taariikhda koobka aduunka sanadan ka hor waxaa ka qeyb galay 76 dawlad, waxa guula ka xaqiijiyay 8 dal keliya, waxaana hogaaminaya Xulka Brazil oo hantay 5 ka mid ah, halka xulalka Italy iyo Germany iyana min 4 ayay kala xigsadeen.

Italy ayay iyana micno kale uga dhigantahay iney keli ku tahay laba jeer oo xiriir ah in la qaado dhacdo kubadeedkaa aduunka waana sanadihii 1934—1938 ka hor inta aysan Brazil sidaas oo kale sameyn bartamihii qarnigii tagay; jeer Hollanna ay 3 jeer keli ku tahay imaanshiyaha ciyaar dhamaadka wallaw aysan weli qaadin koobkaan.

Aan xoogaa yare jaleecno geesiyada sidan oo kale isugu yimid ciyaar dhamaadka koobka aduunka tan iyo billawgii qabsoomiddiisa.

1930-kii, waxaa heerkaan isla yimid xulalka Uruguay iyo Argentina, 4—2 waxa ay guusha ku raacday Uruguay oo dalkeeda lagu marti geliyay.

1934-kii, waxaa Finalka isla tiigsaday xulalka Italy iyo Czechoslovakia, ciyaar waqti dheeriya leysla tagay waxa 2—1 koobka kula hoyday marti geliyaashii sanadkaas ee Italy.

1938-kii, Italy ayaa mar kale timid ciyaar dhamaadka, waxaana kula mideysnaa Hungary, Ciyaar Paris- France  ka dhacday waxaa 4—2 ku labeystay Italy.

1950-kii, Uruguay ayaa mar kale labeysatay, waana labada mar oo ay taariikhda koobkaan heshay.
1954-kii, Jarmalkii galbeed iyo Hungary ayaa isugu yimid Finalka, Switzerland kulankii ka dhacay waxa mar kale halkaa niyad jab kala tagay Hungry oo lagu garaacay 3—2.

1958-kii, Brazil ayaa aheyd marti geliyaashii sanadkaas oo Sweden ku tuntay gurigooda ciyaar ku soo idlatay 5-2.

1962-kii, Brazil iyo Czechoslovakia  ayaa isugu yimid Magaalada Santiago ee Dalka Chile, Brazil ayaa ku labeystay markii ay ku dhamaatay ciyaarta 3—1.

1966-kii, Ingiriiska iyo Jarmalkii galbeed ayaa isugu yimid, waxaana Ingiriisku markaas ku garaacay ciyaar waqti dheeraad ah leysla aaday 4—2, isagoo ka faa’ideysanaya marti gelintiisii sanadkaas, waana marka qura ee taariikhda koobkaan loo hayo.

1970-kii, Brazil iyo Italy ayaa ku kulmay dalka Mexico, 4—1 waxaa looga adkaaday Italy.

1974-kii, Jarmalkii galbeed iyo Holland ayaa isla yimid ciyaar dhamaadka, Marti gelintiisa si wanaagsan ayuu uga faa’ideystay Jarmalka 2—1 ayaa looga badiyay Holland.

1978-kii, Argentina iyo Holland ayaa isla soo tiigsaday Finalka, Argentina oo markaas marti gelineysay ayaa ciyaar bar-baro 1—1 ah leyska dhaafi waayay balse waqti dheeriya lagu daray kaga badisay 3—1 waddanka Holland.

1982-kii, Italay ayaa ku qaraar baxday Jarmalkii galbeed, 3—1 ayayna ku garaacday ciyaar ka dhacday Magaalada Madrid ee Dalka Spain.

1986-kii, Argentina ayaa 3—2 kaga adkaatay Jarmalkii galbeed oo markaas la loodin la’aa, waxana markii labaad marti geliyay Finalkaas Mexico.

1990-ka, Jarmalka galbeed ayaa ka aarsaday Argentiina oo kaga badiyay 1—0 ciyaartii ka dhacday Italy.

1994-kii, Brazil iyo Italy ayaa markoodii labaad isku qabtay ciyaar dhamaadka koobka aduunka, Sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta iyo waqtigii dheeriga ahaa waxay ku kala tageen 1—1, balse 3—2 waxa gool ku laad ku badiyay Brazil.

1998-kii, France iyo Brazil ayaa ciyaar dhamaadka ku wada dheelay Faransiiska, reer Paris waxay muujiyeen in dalkooda la joogo, waxayna ku dhamaatay 3—0 oo uu koobka la hoyday Faransiiska.

2002-dii, Brazil iyo Germany ayaa foodda is daray, Japan ciyaartii ka dhacday 2—0 waxa koobkii ku qaaday xulka Brazil.

2006-dii, France iyo Italy ayaa isla tiigsaday ciyaarta kama danbeysta, Waqti dheeriya kaddib, Talyaaniga ayaa 5—3 gool ku laad ahaa waxa uu koobka keenay Roma, isagoo kala yimid Barlin.

2010-kii, Spain iyo Holland ayaa noqday geesiyaasha sanadkaas, hase ahaatee soddonkii daqiiqo ee dheeraadka intii lagu guda jiray ayay Spain hoggaanka qabatay, 1—0 taas ayayna Spain ku noqotay horyaalka dunida sanadkaas.

2014-kii, Jarmalka iyo Argentina oo kuwada ciyaaray Brazil waxay isla dhaafi waayeen bar-baro, balse waqtigii dheeriga kaddib Jarmalka ayaa ku badiyay 1—0, waxayna sidaas ku yihiin geesiyaasha sideeda fiidnimo ee caawa ka hor inta Croatia iyo France midkood loo caleema saarin horyaalka dunida.

Kulaan kama danbeysta ah ayaa noqonaya kii 21 ee koobka aduunka,  waxana uu ka dhacayaa Magaalada Moscow ee xaruunta Dalka ruuska, Sida la qorsheynayana daawadayaasha dunida ka sokow Aqalka looga arimiyo ruushka ee Karamaliinka waxa uu ku dhawaaqay in ay soo xaadiri doonaan 14 hoggaamiye oo ka mid ah kuwa caalamka.

Waxa ugu horreeya Madaxweynaha Armenia, Madaxweynaha Belarus, Re’iisulwasaaraha Hungary, Madaxweynaha Gabon, Amiirka Qadar, Reysulwasaaraha Kyrgyzstan, Madaxweynaha Moldova, Madaxweynaha Palestine iyo kuwa kale.

Sida la qorsheynayo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo isna goobta imanaya ayaa ka qeyb qaadan doona billad bixinta xulalka.


Layliyaasha labada dhinac ayaa mid walba  muujiyay rajada uu ka qabo inuu isaga la hoydo koobka, balse is wediinta ayaa ah ma France oo ka mid ah 5 xul ee loo saadaalinayay Koobka ka hor bilaabashadiisa ayaa ka dhabeyn doona mise Croatia oo aan weligeed qaadin ayaa bar-bareyn doonta Faranca marka la eego hanashada koobkaan.

Tuesday, June 12, 2018

ما أشبه هذه الليلة بالبارحة:

Qallin jebiyaasha MU 2018
Waxaan Farxadda la qaadanayaa Ardayda ka qallin baddeshay kulliyadda Siyaasadda iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Muqdihsho, gaar ahaan qeybta Saxaafadda.

Saddex sano ka hor ayaan ku qallin-jebinnay 12 Arday isla kulliyadaan, maanta sidii oo kale ayay 12 ka mira dhaliyeen dedaalkoodii ay soo wadeen afartii sano ee la soo dhaafay.

Waxa ii kulansan labo farxadood oo middood ii gaar tahay, midna aan la qabo Suxufiyiintaas Cilmi ahaan u bartay mihnaddaan qiimaha badan, samir iyo harjad dheer kaddibna arkay biya-dhaca hayaan soo qaatay afar sano.

Waxay ii aheyd dufcadii ugu horreysay ee aan safar la soo galo, inaan u ahaa muxaadir labadii Simistar ee ugu danbeysay 7-8, islamarkaana  aan kamid ahaa barayaashoodii jaamacadda haddane waxay ii ahaayeen saaxiibo aan ka kororsaday la jirkooda cilmi iyo dabeecad, waxay ii muujiyeen jaceyl saaxiibnimo ka sokow xishmadda iyo waajibaadka innaga dhaxeeyay.

Qaarkood horey ayaan u soo wadaagnay shaqo, kuwo kale iminka ayaan isku goob ka wada shaqeynaa, halka asxaab kalane aan isku barannay geedigaan ku soo dhamaaday guusha.

Hase ahaatee kala qaad la'aan waxa aan ku ammaani karaa shaqsiyaad tacliin iyo jiheynba u diyaarsan iney ahaayeen, iyana ku wanaagsanaa tala siinta barayaashooda iyo bulshada inta ay ka dhex shaqeeyaa.

Waa hubanti xarumaha ay joogaan iyo inta ay la shaqeeyaanba iney marag ka yihiin erayada qormadaan ku dhigan, waa madaalayaal u dhabar adeegay caqabaadka isku guntan ee marba ka soo food saarayay saddex xagalka ay ku dhex jireen, Waxbarashada--Shaqada iyo nolasha magaalada oo ay ka marag yihiin inta ku qaata waayahooda nolasha ee weliba shibilka ah.

Isu-geyn dabadeed waxa aan farriinteyda farxadda la qeybsanayaa ardayda- waalidka- bahda saxaafadda iyo dhammaan bulshada ay codka u yihiin, waxaana leeyahay waxaad furteen illinkii tacliinta-- waxa idinka iyo innagaba aan kula dar-daarmayaa harjad aan dhamaad laheyn iyo nolol ku dhisan aqoon.


Hanbalyo                        Hanbalyo                          Hanbalyo

Saturday, April 7, 2018

Is-qabqabsiga hay’adaha dawladda, waxay mugdi gelin karaan yididdiilada shacabka

Way dhacaysaa mar walba. Sida xooluhu u rakaadaan fulinta kahorna, waa lama huraan in xukuumad walba oo dhalata la kowsato. Is-qabqabsiga madaxda ugu sarreysa dalka waa arrin laga yaabo in badan inay u qaataan si fudud. Balse xaqiiqdu waa inay tahay mid masiiri ah oo raadeynaysa hayaanka fog ee loogu jiro gaarista dowlad wanaagga.

Mar walba oo dhawaaqa mooshinku uu kusoo dhaco dhegaha bulshada, qofna mafisho in si dhib yar loo damiyo. Saadaasha laga bixiyana aalaaba waxay u dhamaataa sida loo bato - hal mas'uul inuu xilka banneeyo.

Balse ilaa iyo hadda mid ayaysan si guud uga dhaadhicin muwaadiniinta, siiba kuwa u dhuun daloola falan-qeynta siyaasadda dalka? Bilowga sannadkii hore oo dalku galay marxalad hoggaamiye loogu doortay Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo, wuxuu ahaa dhamaadka is-qabqabsi badan oo dowladdii ka horreysay - oo saddex RW mid walba mar soo hoggaamiyay xukuumaddeeda - ay ku sogootisay muddo xilliyeedkeeda. Sawirraddii taariikhda galay ee saddexda mas'uul ee xilka isaga danbeeyey kuwada muujiyeen midnimo iyo isu-tanaasul iyo hadalladdii qiirada waddaniyadeed lahaa ee lagu daah-furayay waaga kale ee Soomaaliya u baryay, qofna xisaabta kuma darsan in dowladda cusub wajihi doonto wixii horay looga bartay dowladihii xilka kaga horreeyey. Taas waa marka loo eego codkii aqlabiyadda lahaa oo Mudanayaasha Barlamaanku ay hoggaanka ugu dhiibeen MD Farmaajo.

In kasta oo dhowr tallaabood oo bogaadin iyo amaanba ugu filan xukuumadda ay horay u qaaday, haddana taasi kama horjoogsan inay la timaado dhaliilo uga yimid Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Biseylka laga gaarayo ilbaxnimada xurriyadda hadalka iyo qadarinta afkaaraha iska soo horjeeda - iyada oo taasi aan loo mareynin dhaqankii ku dhisnaa cunfiga iyo gacan-ka-hadalka - waxay ifafaalo fiican u tahay geeeddi-socodka hannaanka dowliga ah ee dalku ku socdo. Hayeeshe, is-mari waaga mararka qaar u xuubsiibta cuuryaamin ku timaada howlaha iyo adeegyada bulshada, waxay iyadna iftiinka yar ee umadda u baxay kaga ridaysaa ceel guntiis.

Xaqiiqda qaraar oo ay qasab tahay inaan liqno waxa ay tahay sababta marka aan maqalno Mooshin loola xiriiriyo madaxda ugu sarreysa dalka. Jiritaanka xaalado badan oo masiiri ah oo ay muhiim tahay in mudanayaasha sharafta leh ay isla qaadaa-dhigaan sida abaaraha dalka kusoo noqnoqda, wax-barashada, shaqa-la'aanta iyo wixii la halmaala, sababta soo celcelinaysa is-qabqabsiga mas'uuliyiinta dalka, dad badan waxay ku tilmaami karaan mid aan ka turjumeynin danaha qaranka.

Balse iyada oo la fiirinayo marxaladda geeddi-socodka dowladeed oo hadba gabbalku ugu dhacayo fogaan kaabiga ku heysa is-qaadasho, in kale ayaa ku hal-adag in is-qab-qabsiga madaxda ugu sarreysa dalka ay iftiiminayso milgo laga yaabo inaysan u wada muuqan indhaha bulshada, hayeeshe gabagabada lagu baritaari doono halka sartu ka qurunsan tahay.

Waxaase midda hore xoojin kara ayaa ah sababta labadii mas'uul ee is-qabataba uu midba kan kale - inta karaankiisa - isku dayo inuu saaxada siyaasadda kala baxo. Isaguna noqdo midka libinta ku geeraara.

Khilaafku waa mid soo taagnaa taniyo markii ina Aadan arlada la dul-dejiyay, waana mid jiraya ilaa iyo inta Eebe u qadaro. Laakiin inaan garan karno sida khilaafka looga ilaaliyo inuu gaaro heer danta inaga wada dhaxeysa uu halista u loogo, waxay caddeyn u tahay sida liidata oo aan ugu dabaal-degi la'nahay kala fikir duwanaanshaheenna.

Sideedaba ma ahan wax madaxdeenna gaar ku ah inay iskula dhacaan shaqo shacbigu u wada igmaday. Waa dhaqan caalami ah oo dowladaha adduun weynaha dhexdooda ka dhasha. Waxaase aad u kala duwan asluubta loo maro xalinta khilaafka soo kordha. Waana midda ka turjumeysa sida aan wali ugu bislaanin aqbalista arrimaha la isku qabto iyo qaadashada go'aanka ugu sahlan ee lagu dhammeyn karo. Waxay ahayd sannado kahor markii madaxda ugu sarreysa dalka Turkiga ay isku qabteen arrin masiiri ah oo raadeyn kartay mustaqbalka u iftiimaya iyo geeddi-socodka horumarineed oo ay hiigsanayaan haddii aysan isku tanaasuli laheyn.


Maalmahan oo lagu jiro xaalad siyaasadeed oo meel lagu saleeyo loo la'yahay, waa muhiim in madaxdeennu tix-gelin u sameeyaan danaha iyo dareenka bulshada kuwaas oo mooshin walba oo ay maqlaan ka qaada rajo xumi liifadda u gaabisa ileyska yar ee u baxaya.

Wednesday, March 28, 2018

Like Yesterday!

Maalin kale oo farxadeed, inkasta oo aan gaarin darajo ka sarreysa tii saddex sano ka hor aan xaqiiqsaday; haddane dhanka cilmiga marka la eego waxa la oran karaa waa koror aqooneed oo ii siyaaday, 6 bisha labaad oo ku sumadan talaado waxaan si kalsooni leh u difaacday buuggayga qallin baddelashada(thesis), Marqaatigga koowood (Bachelor Degree), Public Administration ee Jaamacadda UNISO. 28 bisha saddexaad oo ku beegan Arbacana waxaan guddoomay shahaadada qallin baddelka jaamacadda.

Waxaan farxadda la wadaagayaa dhammaan inta ka qallin badalanaysa UNISO, gaar ahaan madaalayaashii aan geeddigga soo wada galnay ee PA15B, Waxaan aheyn 75 arday oo ay ka go’need iney soo gaaraan halka aan maanta nimid, waxaan isugu jirnay mas’uuliyiin, waayo arag iyo dhallinyaro dhammaantood isku ujeedda ka ah soo taabashada saqafka, alle mahaddii dhab ayay inoo noqotay, waxaan iloobi doonin saaxiibadii cilmiga ka sokow aan kaftanka iyo sheekada aan wadaagi jirnay, wajiyo qururx badan iyo xikmad ayaan halkaas ku tabi doonaa haddii uusan nasiibka markale inoo kulmin sidiiyoo kale.

Waxaan u mahad celinayaa Eebe weyne ka sokow, Hooyo iyo Aaabo oo lahaa dhiirra-gilinta in mar kale Bachelor ka dhigto dalka gudihiisa, waana ogahay iney farxadeyda mid ka sarreysa dareemayaan mar haddii aan xaqiijiyay riyadoodii.

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan asxaabteyda shaqada Radio Himilo oo ay ugu horreeyaan maamulka idaacadda oo iga ogolaaday anigoo ka mid ah xeyndaabka maamulka waliba kaabadda isku xiraysa shaqada dhan iney ii ogolaadeen in waqtigii shaqada qeyb ka ka mid ah aan ku bixiyo cilmi ii gaar ah balse aan ballan qaadayo inaa dib ugu celin doono intii awoodeyda ah, Saaxiibada shaqada ayaa iyana ah kuwa abaal gaara igu leh maadaama marar badan oo ay isaga key soo aadeen shaqo iyo Imtixaanaad iga furdaamiyay shuruud la’aan.

Waxaan u mahad celinayaa maamulka UNISO oo aan leeyahay waad ku mahadsan tihiin sida quruxda badan ee aad inoola macaamisheen innaga iyo dhammaan ardayda jaamacadda ee maanta ay u aheyd maalintooda farxadeed, waxaan ka marqaati kacayaa barayaashii wax inoo dhigayay iney ahaayeen kuwa la soo xulay marka dib aan u milicsano waaya aragnimada iyo aqoonta ay u lahaayeen gudbinta iyo ina deeqsiinta duruusta.

Waxa uu ahaa geedi saddex sano qaatay balse la moodo shalay oo kale sida xiisaha leh ee uu ku dhammaaday, waan hubaa iney isoo mareen guntimo badan oo isoo food saaray intii aan safarkaan ku jiray hase ahaatee waxaan kaga mahad celinayaa ka gudubkooda eebe ka sokow ehel iyo asxaab aan marna ka maqnaan doonin maankeyga.

#Every day is another chance to change your #life.

Faa’idooyinka Caafimaad ee Caanaha Geela

Google
Geelu waa mid kamid ah nimcooleydu eebe innagu galladay, Waa halbeeg muddaba soomaalidu ku cabiri jireen hodantinimada ruuxa,  Waa xoolaha la dhaqdo kan ugu lixaadka weyn oo leh Kurus  inkastoo laga helo bartamamaha Aasiya laba kurusle.

Sida aan wada ognahay geelu waa noole cajiib ah oo waxyaabo badan oo jirkiisa ka mid ah daawo alle nooga dhigay, waa xayawaan gaajada iyo haraadka u adkaysan kara bilooyin sidaas oo ay tahay hadane isbaddal kuma yimaad faa'idooyinka laga helo; siiba hilibkiisa iyo caanihiisa.

Tusaale caanaha geela oo aan qormadaan ku lafa guri doonno faa’idooyinka caafimaad oo ay xanbaarsan yihiin ayaa waxaa la isku waafaqsan yahay in ay yihiin caanaha ugu caafimaadka badan dunida marka laga reebo caanaha hooyada.

Waa caano faa'ido u leh da’a kasta oo aadamaha ah, lagana helo nafaqooyin badan oo isugu jira waxyaabaha kala duwan oo uu jirku bini'aadanka u baahan yahay. Midab ahaan waa caddaan leh dhadhan xooggan iyo riix macaan, waa suurta gal iney kala duwnaadaan dhahan ahaan sabab loo tiiriyo daaqqa uu helo geela iyo biyaha.

Dhawr ka mid ah faa’idooyinka caafimaad ee caanaha geela oo aan halkaan ku soo bandhigi doonno ayaan ka dhigneyn dhammaan inta faa’ido ee laga helo.
  1. Waxa ka buuxa Nafaqada jirka: sida Protein, calcium, phosphorus, vitamin C, and niacin (vitamin B3).
  2. Xakameynta Cudurka Macaanka: Nafaqada laga helo caanaha geela waxaa ku jira hormoonka insulin-ta kontaroosha sokorta.
  3. Difaaca jirka: Caanaha geela waxaa ka buuxa borotiin farabadan, borotiinada qaar waxay jirka u xilsaaran yihiin ka difaacista jeermisyada iyo xanuunada soo booddada ah, sidaa darteed waxay sare u qaadaan difaaca jirka, waana sababta dadka la baaninayo la siiyo.
  4. Korriimada iyo Caafimaadka lafaha: Waxaa ku jira walxo adkeeya lafaha iyo murqaha qofka sida Calcium, oo ay ku jirto 3 jibaar inta laga helo caanaha lo'da, waana sababta caanaha geela ay ugu horreeyaan quudka lagu caawiyo qofka jaba si kabniinka u sahlanaado.
  5. Ka hortagga dhiig yarida: Caanaha geela waxaa ka buuxo maadada birta oo ka hortagta dhiig-yarida, firfircoonida unugyada dhiigga.
  6. Daweynta Xasaasiyadda: Caanaha geelaha waxay daawo u yihiin xanuunada ka dhasho xasaasiyadda sida samboorka, neefta, xajiinta maqaarka iyo xasaasiyadda cuntada, caruurta ku xanuunsado caanaha lo'da iyo cunnooyinka qaarkood, waxaa lagu daaweeyaa caanaha geela, sida cilmi baarisyo la sameeyay ay sheegaan.
  7. Caafimaadka Wadnaha: Caanaha geela waxay isu dheellitraan kolestaroolka labadiisa nuuc, sidaas awgeed waxay udub dhexaad u yihiin caafimaadka wadnaha, sidoo kale waxay qofka ka caabiyaan wadna qabadka ka dhasha qulqulka dhiigga xididdada wadnaha.
  8. Ka hortagga Kansarka: Caanaha geela waxaa la ogaaday inay ka hortag u yihiin kansarka ku dhaco uur ku jirta sida beerka, xiidmaha iyo malawadka, waana arrin lagu ogaaday cilmibaarisyo kala duwan.


1                    

Thursday, March 1, 2018

Sidee Hodonkeenu u kaabi karaa Saboolkeenna?

Google
Aadamiga waxa lagu masaalaa Macdanta oo kale oo magaca guud uun u dhaxeeyo, sida: Birta, Maarta, Dahabka iyo kuwa kale. balse kala sarreeya, kalana qaalisan.  Ina aadan waa sidaas oo kale, magaca ‘Dad, Insaan iwm. waa ay wadaagaan, laakinse waxay ku kala sarreeyaan heerarka nolasha.

Qaar ayaa heegada sare ka gurta miraha, halka kuwa kalane ay dhuuni ka dhigtaan dhaadhaca mirahaas oo ay nolashane kaga sugan yihiin gunta hoose ee dabaqadaha aadmiga.

Hodantanimada iyo saboolnimada waa sida fiyoobida iyo xanuunka, oo qofba maalintii eebe ugu deeqo, balse laguma qeexi karo iney yihiin labo marxaladood oo mid walbaahi lama huraan u tahay ruux kasta inuu maro marka laga reebo in yar oo aadamaha kamid ah oo kulansaday labadaas heer waayahooda dunida.

Wey dhici kartaa adigoo sabool ah inaad isla xilligaas tahay hodan, waase marka uu maaddiga kaa maqan yahay hase ahaatee quluubtaada iyo dhammaan suluukiyaadkaadu yihiin kuwa la jaan qaadaya dadka ladan, taas caksigeedna lama dheereysanayo oo waa iska caadi in lagu arko dunida.

Laga yaabee iney durbaba kugu soo dhacdo marka aan joogno farqiga labada dhan u dhaxeeya sida ay ugu kala duwan yihiin nolasha, caafimaad ahaan, dhuuni ahaan iyo muuqaal ahaanba, hayeeshee ka micno ballaaran intaas.

Indheer garadka qaar oo inoo bidhaaminaya sida ay dunida ugu kala fogyihiin hodanka iyo saboolka ayaa qaniga ku tilmaamay majnuun maalku hogaamiyo oo wax allaala wixii uu caqliga iyo laabtaba ka muhdo u abbaara leexasho la’aan, halka saboolka isna ay ku iftiimiyeen inuu yahay qof caqliga, ruuxda iyo laabtaba u adeegsada hanaankii uu ku heli lahaa duunyada ka maqan.

Biyadhaca qormadeyda haddii aan wadaanta u deysto waa sida hodanku ugu dhimrin karo una caawin karo saboolka, ujeedku waa in aan helnaa isgacan qabad la hubo oo aan kaga maarmi karno garab qabad shisheeye, ama ugu yaraan midkeen inuusan u nafbaxaa gaajo darteed.

Kala xanuun badan sheekooyinka aan maqalnay ee ku saabsan innagoo mitirro yar isku jirna midkeen cimrigiisa in uu u gaabtay cunno la’aan; tiiyooy dhici karto in kan kalane dharag dartii hurdo gama’ ka sii waayo xilligaas.

Mid kamid ah badweynta sheekooyinka dhankaas ku saabsan oo uu habeen iiga sheekeeyay saaxiib ayaa u dhaceysay: Hooyo soomaaliyeed oo caruur agoon ah heysatay oo ku nooleed muqdisho ayaa u geeriyootay gaajo darteed, maaheyn kaligeed ee waxaa ka daba rawaxay caruurtii yaryareed ee agoonta aheyd markii ay waayeen dhuuni ay quutaan, maalmo kaddib oo gurigii ay ku nooleed shanqar laga waayay ayay darisku go’aansadeen iney ka war doonaan, waaba iyada iyo labadii caruurta aheyd oo ay dhabta kuwada heyso oo goob qura kuwada nafbaxay, isweydiin kaddibna waxa cadaatay in iyadu nolol maalmeedka u raadin jirtay hase ahaatee tii eebe ka sokow waxa ay noloshoodii qaaliga aheyd ku waayeen gaajo.

Inkastoo sax ahaanshiyaha sheekada aan dusha wada saaran Karin haddane waxaan ka soo xigtay saaxiib da’a ahaan xagga hore u batay, balse dhanka xaaladda waxa ay kala simantahay sheekooyin badi aan maqalno ee ah xildhibaan gaajo magaaladaan ugu dhintay, xeraw masaajid gaajo ugu naf waayay IWM.

Wey xanuun badantahay marka laguu sheego ama duleelka dhegtaadu uu soo qabto qisooyinkaa murugada xanbaarsan, hase ahaatee waxay ila tahay inaan ka hortagi karno oo mushkiladda ku xallin karno halkeeda inta aysan qaarkeen ku qasbin in dunida ay inagu cidleeyaan.

Waan karnaa, weyna kari karaan qaarkeen in dhacdooyinka nuucaas ah inagu badan inta ay innagu jirto nafta, waase marka faham buuxa aan ka qaadanno sida naloogu xisaabin doono halkii aan ku bixinnay hantideenna, waa inta wax heysatee, maalinta weyn ee lawada simanyahay.

Kala fog, sida galbeedka qaar uga dhaadhacday hodonkoodu inuu madaxa saarto saboolka iyo innagii oo ay diinteennu na fareyso oo badankeen ka war qabin xataa dariskeenna.

Tusaalaha dhawaan baxa ah ee dunida bar raadeeyay waa Daha Italy oo ku magac dheer Massimo Potura, waxa uu furay maqaayado u gaar ah saboolka oo ay si bilaash ah uga heli karaan cunnooyinka sar-sare, 2015 ayuu mashruucaas hirgiliyay welina waxa uu ku rajo weynyahay inuu sii ballaariyo oo uu gaarsiiyo magaalooyin waaweyn oo Europe ka mid ah sida Paris oo France magaalo madax u ah.

Si maalinla ah waxa u yimaada maqaayad uu duleedka magaalada Milan ee carrigga Talyaaniga ka furay 96 ruux, ka geddisan maqaayadaha lagu liido saboolka oo iyagay gaar u tahay, wey yimaadaan, dalabkooda ayay dhiibtaan si qurux badan ayaana miiska loogu soo saaraa, badi dadkaana waa kuwa hoy la’aanta ah.

Marka galbeedkii qoto dheeridaa uga daadagto kaabidda kuwa nolosha heerka hoose ka joogga, kaalinta kuweenna ladan oo waliba alle u balan qaaday helidda inta ay bixiyaan laba-laabkeeda sidey noqon kartaa.


Waa marag madoonto in loo baahan yahay baraarug dheeli-tiran oo aan keliya aheyn inta ay ishu heyso, balse ka guda ballaaran, dhamaadkana aan ku weyn karno shaqsi soomaali ah oo gelin xataa u qada shilimaadka jeebka inoogu jira.

Wednesday, February 28, 2018

Abdulqawi Ahmed Yusuf, Somali guuleystay!

Sawirka waxa aan ka soo qaatay Google
Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray soomaaliya, waxa ay xudduntiisu ku duugantahay Magaalada Eyl ee Gobolka Nugaal, sanadii 1948 ayuu ifka yimid, tacliintiisa ilaa heer jaamacadeed waa dalka hooyo oo waxa uu ka baxay jaamacadda umadda, inkastoo heerka labaad iyo kan saddexaadba uu ku qaatay dalalka banaanka. Waxa uu kamid ahaa tobbankii macallin ee ugu horreysay jaamacadda umadda kuwaas oo lagu baddelay macallimiintii talyaaniga ee barayaasha ka ahaa kulliyadii sharcigga.

Saddexda sano ee soo socota ayuu ahaan doonaa guddoomiyaha maxkamadda cadaaladda aduunka ee ku taala The Hague, Dalka Holland, islamarkaana ah waaxda QM u qaabilsan cadaaladda oo shaqadeedu tahay Nabad sugidda iyo Nabad abuuridda dawladaha dunida.

Waa shaqsi ay ku weyntahay qadiyadda Soomaalinimada; jecel inuu aqoontiisa uga faa’ideeyo soomaalida haddii ay xaaladu u saamaxdo, sanado dhawr ah ayuu ka soo shaqeeyay dhawr waaxood oo hoos yimaada QM, Sida  Hay’adda Waxbarashada Qaramada Midoobe u qaabilsan ee loosoo gaabiyo UNESCO, Hay’adda Qaramada Midoobay ee Horumarinta Warshadaha ee UNIDO, iyo u qaabilsanaha Shirka Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Horumarinta UNCTAD.

Mr Cabdiqawi, waa garsoore caalamiya oo horey madaxweyne ku xigeen uga soo noqday Maxkamadda ICJ, bare sarane ka ah jaamacado kala duwan oo ku yaala Qaaradah Europe, Africa, Australia iyo America, sidoo kale waa seesdhigaha mac-had Qeynuunka caalamiga lagu barto oo ku yaala Arusha, Tanzania.

Mar uu lahadlayay warbaahinta waxa uu carrabka ku dhuftay iney tahay guushiisa mid u soo hoyotay umadda soomaaliyeed oo aan ku koobneyn kaligiis, in loo garto hogaanka maxkamadda cadaaladdana waxa uu ku tilmaamay soo buuxinta shuruudaha ruuxa lagu aaminayo xilkaas- sida inuu ku wanaagsan yahay luqadaha looga shaqeeyo maxkamadda, isku wadidda dhammaan inta kala tirsaneysa dhibaatada iyo tixgelinta aragtiyada garsoorayaasha oo idil.

Maxkamadda Cadaaladda aduunka ee iminka hogaankeeda loo gartay Cabdiqawi waxa la bud dhigay 70 sano ka hor, tan iyo billawga shaqadeeda waxa la horkeenay dacwada gaaraya 200, Shaqada ugu horeeysa ee hayadani waa xallinta muranka xadadka iyo ilaalinta heshiisyada dhulka ee wadamada xubinta ka ah. Sidoo kale waxay talobixin siisaa Golaha Sare ee hayadaha Qaramada Midoobay.

Cabdiqawi Ahmed Yusuf ayaa ku biiray  Maxkamaddaan 6  February 2009, hayeeshee lix sano kaddib ku mid noqoshadiisii garsoorayaasha Maxkamadda oo ku sumadan 6 February 2015, ayaa loo doortay guddoomiye xigeenka ICJ, saddex sano kaddib ayaa haddana iminka loo gartay in codka doorashada uu isagu mudanyahay; taas oo keentay inuu ku fadhiisto gursiga ugu sarreeya daarta lagu naaneeso, dhismaha Nabadda aduunka.