![]() |
Alle ya raxma; Waxa uu ahaa mid kamid ah ragga aan iga go'aynin nolasheyda
marka laga hadlo saxaafadda soomaalida, waxaan la kawsaday dhageysigiisa
horraantii 2003-da aniga oo markaas aad
u jeclaa mihnadaan aan lugta la galay 2011.
Inkasta oo aan garaneyn cod ahaan mooyee muuqiisa dhabta ah oo aysan ii
suuragelin la kulankiisa inta uu noolaa; ka sokow sawirada iyo muuqaalada
baraha bulshada haddane waxaan hubaa inuu iiga dhignaa shaqsi muddo aan
isnaqiin sida aan ugu xirnaa ee aan u jeclaa barnaamijyada uu daadihiyo.
Ereybixinada uu adeegsado, xirfadda isku xirka wararka iyo codkiisa oo gaar
ah kana duwan wartabiyaasha la
shaqeynayay ayaa iiga dhigay saaxiib aan ka kaga naxay geeridiisa sida qof ii
dhaw.
Waa ay jiraan wariyaal iminka nool oo wali ii ah macallimiin sida Yoonis Cali
Nuur, Allaha u naxariistee oo aan ka barto erey bixinnada, Axmed Cabdi Nuur, C
Nuur Sheekh Mxd Isxaaq, C risaaq Xaaji Mxd Siraad iyo Yuusuf garaad oo siyaasi
isku rogay balse aan ku xiranahay Blogiisa ayaana ka mid ah.
Muddada dheer ee uu saxaafadda ku jiray waxay siisay sumcadda bulshada
dhexdeeda ka sokow in lagu daro liiska halyeeyada saxaafadeed ee bari caan ka
soo ahaa dalka, taas oo aan ku xusuusto mar darsi jaamacadda ley siinayay inuu
ka mid ahaa shaqsiyaad darsiga ku jiray oo dhegaha bulshada qabsaday billawgii
FM ku hadla afkeenna hooyo.
Dabeecad Wanaagga iyo xirfad aqoonnimada ay ka sheegeen inta taqaan ama la
soo shaqeysay waxay ka marag tahay shaqsiyadda uu ahaa, Eebaw gadaashiis hana
fidneyn.
Waa dhabbe ina wada sugaya dhammaanteen, waxana alle uga baryayaa inuu ku
abaal mariyo jannadiisa Farduus.
No comments:
Post a Comment