![]() |
Sawirkaan waxa leh Google |
Muuska ‘Banana’ waa mid ka mid ah dalaga ugu muhiimsan qudaarta, waxa uu
kaalin lixaad leh kaga jiraa dhaqaalaha
dhowr dal oo kamid ah dunida, tiiyoo ugu wacan tahay qiimaha sare ee uu kaga
jiro cunnada, xawliga isticmaalkiisa iyo dhadhanka uu ku laran yahay macaanka
uuna kaga gedisan yahay qudaarta kale.
Waa dhame sanadka xilliyadiisa kala duwan laga helo suuqyada caalamka, taas
oo ay sii dheer tahay inuu ka mid yahay miraha ku wanaagsan daabulidda iyo
keydinta.
Tilmaam ahaan, uma baxo geed ahaan sida ay dad badani moodaan, taa
badelkeeda waxa uu ka tirsan yahay dhirta nuuca ramaaska loo yaqaan.
Tarantiisu waxa ay ku habboon tahay dhulka leh carrasan bacriminta ku
wanaagsan, jeer Soomaaliya ay hoggaamineyso dalalka uu aadka uga baxo, waxaana
liiska hore inagula jira dalal carbeed sida Mauritania iyo Sudan.
Gobollada uu caanka ku yahay dalkeenna waa gobalka Sh/Hoose degmadiisa
Afgooye; gobalka J/Hoose magaaladiisa Jamaame; iyo Jilib oo iyana ka mid ah
degmooyinka gobalka J/Dhexe. Waana iska
caadi sidoo kale inuu ka baxo gobollada ay webiyadu maraan.
Soomaalida qaar waxa ka dhaadhacday fikradda ah in muusku halis ku yahay
caafimaadka islamarkaana laga qaado gooryaan ‘worm’. Balse sheekadaas lama hayo
asalkeeda halka ay uga timid Soomaalida walow dadka qaar ay sheegaan in
gumeystihii oo doonaya baabi’inta jaceylkii muuska loo qabay uu fidiyay.
Waxaana taas xoojin kara sida gumeystihii heystay koofurta ee Talyaanigu u
jeclaa muuska ugana ganacsan jiray isaga oo u yaqiin ‘Banana Jaalle’.
Qarnigii dhamaaday dabayaaqadiisa, waxa iyana jirtay been abuur baahay oo
uu fidiyay majaajilistaha caanka ah ee
reer Britain “Karl Pilkington”. Waxa uuna sheegay muuska in halis caafimaad uu
leeyahay, qatar dhimasho ahna aad galayso haddii aad lix xabo ka cunto.
Balse fikradaas waxa cagta mariyay khubarada xagga cuntada sida Catherine
Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London, oo dabool qaaday in
muuska ay ku badan tahay macdanta Potassium, oo jirka bini’aadamka u baahan
yahay islamarkaana wax badan ka tarta wada-shaqaynta qeybaha kala duwan ee
jirka. Sidoo kalene waxa laga helaa carbohydrate iyo aashitooyin jirka faa’iido
u leh.
Si kale haddii aan u dhigno, lama yareysan karo faa’iidooyinka caafimaad ee
uu muuska leeyahay, waxaana tusaale u ah sida uu dawo ugu yahay xanuunnada
asiiba dheef-shiidka iyo kahor-tagga cudurro uu ka mid yahay Kansarka ‘Cancer’
tiiyoo sii dheer tahay inuu la dagaalamo gabawga.
Awood siinta jirka, ka hortagga Calool-fadhiga, xoojinta habka difaaca jirka,
isku dheelli-tirka miisaanka, iyo dhowridda bad-qabka wadnaha iyana waa
faa’iidooyin kale oo lama dhaafaan u ah qofka joogteysta ama badsada cunista
muuska. Ka dheregsanaanta fahamka faa’iidooyinkiisana, waxa ay dunida qaar beri
ka dhigtay in dadka la qadariyo sida Faylosuufiinta ‘Philosophers’ loo gaar
yeelo. Balse dunida maanta ayaad moodaa iney wada fahmeen oo uu ka mid yahay
cunnooyinka mideeya sabool iyo hodan.
Dawladaha ku horreeya dhoofintiisa dunidan casriga ah waxa hor boodaya
India, China, Filipina iyo Brazil, halka ay liiska tobanka dawladood ee ugu
horreysa kula jiraan Ecuador, Indonesia, Tanzania iyo Costa Rica. Waxaana ka
dhicin oo afjarka tirada noqday dalalka Thailand iyo Mexico.
Hubaal Somalia ineysan ka maqnaateen liiska murqa-weynta dhoofisa muuska
haddii uusan qaran-jab ku dhicin, shirkaddii dhoofinta muuska ee Somali
Fruit-na ay sii laballaabi laheyd u dhoofintiisa dalalka Carabta iyo Yurub.
Hase ahaatee, marnaanta siyaasadeed ee uu dalku galay ayaa inoo diiday hankaas,
inkasta oo 22 sano kadib burburkii dalka oo ku asteysan 2012 laga hir-geliyay
wadanka shirkad madax bannaan oo dhoofisa muuska laguna magacaabo Fruit Som.
Waxaana sees dhigga shirkadda lug ku lahaa beeraleyda gobalka Shabeellada
Hoose.
Tanina waxa ay dhiirri-gelin iyo ku dhiirrasho u noqon kartaa shacabkeenna
oo sida dalalka loo iib-geeyo u daneynayaan kala dhex bixi kara heerka ay la’eg
tahay faa’iidada iyo caafimaadka uu sito, kuna iloobi kara aragtida qaldan ee
oranaysa muuska waxa laga qaadaa caafimaad darro.
No comments:
Post a Comment