![]() |
Aadamiga waxa lagu masaalaa Macdanta
oo kale oo magaca guud uun u dhaxeeyo, sida: Birta, Maarta, Dahabka iyo kuwa
kale. balse kala sarreeya, kalana qaalisan. Ina aadan waa sidaas oo kale,
magaca ‘Dad, Insaan iwm. waa ay wadaagaan, laakinse waxay ku kala sarreeyaan
heerarka nolasha.
Qaar ayaa heegada sare ka gurta
miraha, halka kuwa kalane ay dhuuni ka dhigtaan dhaadhaca mirahaas oo ay
nolashane kaga sugan yihiin gunta hoose ee dabaqadaha aadmiga.
Hodantanimada iyo saboolnimada waa
sida fiyoobida iyo xanuunka, oo qofba maalintii eebe ugu deeqo, balse laguma
qeexi karo iney yihiin labo marxaladood oo mid walbaahi lama huraan u tahay
ruux kasta inuu maro marka laga reebo in yar oo aadamaha kamid ah oo kulansaday
labadaas heer waayahooda dunida.
Wey dhici kartaa adigoo sabool ah
inaad isla xilligaas tahay hodan, waase marka uu maaddiga kaa maqan yahay hase
ahaatee quluubtaada iyo dhammaan suluukiyaadkaadu yihiin kuwa la jaan qaadaya
dadka ladan, taas caksigeedna lama dheereysanayo oo waa iska caadi in lagu arko
dunida.
Laga yaabee iney durbaba kugu soo
dhacdo marka aan joogno farqiga labada dhan u dhaxeeya sida ay ugu kala duwan
yihiin nolasha, caafimaad ahaan, dhuuni ahaan iyo muuqaal ahaanba, hayeeshee ka
micno ballaaran intaas.
Indheer garadka qaar oo inoo
bidhaaminaya sida ay dunida ugu kala fogyihiin hodanka iyo saboolka ayaa qaniga
ku tilmaamay majnuun maalku hogaamiyo oo wax allaala wixii uu caqliga iyo
laabtaba ka muhdo u abbaara leexasho la’aan, halka saboolka isna ay ku
iftiimiyeen inuu yahay qof caqliga, ruuxda iyo laabtaba u adeegsada hanaankii
uu ku heli lahaa duunyada ka maqan.
Biyadhaca qormadeyda haddii aan
wadaanta u deysto waa sida hodanku ugu dhimrin karo una caawin karo saboolka,
ujeedku waa in aan helnaa isgacan qabad la hubo oo aan kaga maarmi karno garab
qabad shisheeye, ama ugu yaraan midkeen inuusan u nafbaxaa gaajo darteed.
Kala xanuun badan sheekooyinka aan
maqalnay ee ku saabsan innagoo mitirro yar isku jirna midkeen cimrigiisa in uu
u gaabtay cunno la’aan; tiiyooy dhici karto in kan kalane dharag dartii hurdo
gama’ ka sii waayo xilligaas.
Mid kamid ah badweynta sheekooyinka
dhankaas ku saabsan oo uu habeen iiga sheekeeyay saaxiib ayaa u dhaceysay:
Hooyo soomaaliyeed oo caruur agoon ah heysatay oo ku nooleed muqdisho ayaa u
geeriyootay gaajo darteed, maaheyn kaligeed ee waxaa ka daba rawaxay caruurtii
yaryareed ee agoonta aheyd markii ay waayeen dhuuni ay quutaan, maalmo kaddib
oo gurigii ay ku nooleed shanqar laga waayay ayay darisku go’aansadeen iney ka
war doonaan, waaba iyada iyo labadii caruurta aheyd oo ay dhabta kuwada heyso
oo goob qura kuwada nafbaxay, isweydiin kaddibna waxa cadaatay in iyadu nolol
maalmeedka u raadin jirtay hase ahaatee tii eebe ka sokow waxa ay noloshoodii
qaaliga aheyd ku waayeen gaajo.
Inkastoo sax ahaanshiyaha sheekada
aan dusha wada saaran Karin haddane waxaan ka soo xigtay saaxiib da’a ahaan
xagga hore u batay, balse dhanka xaaladda waxa ay kala simantahay sheekooyin
badi aan maqalno ee ah xildhibaan gaajo magaaladaan ugu dhintay, xeraw masaajid
gaajo ugu naf waayay IWM.
Wey xanuun badantahay marka laguu
sheego ama duleelka dhegtaadu uu soo qabto qisooyinkaa murugada xanbaarsan,
hase ahaatee waxay ila tahay inaan ka hortagi karno oo mushkiladda ku xallin
karno halkeeda inta aysan qaarkeen ku qasbin in dunida ay inagu cidleeyaan.
Waan karnaa, weyna kari karaan
qaarkeen in dhacdooyinka nuucaas ah inagu badan inta ay innagu jirto nafta,
waase marka faham buuxa aan ka qaadanno sida naloogu xisaabin doono halkii aan
ku bixinnay hantideenna, waa inta wax heysatee, maalinta weyn ee lawada
simanyahay.
Kala fog, sida galbeedka qaar uga
dhaadhacday hodonkoodu inuu madaxa saarto saboolka iyo innagii oo ay diinteennu
na fareyso oo badankeen ka war qabin xataa dariskeenna.
Tusaalaha dhawaan baxa ah ee dunida
bar raadeeyay waa Daha Italy oo ku magac dheer Massimo Potura, waxa uu furay
maqaayado u gaar ah saboolka oo ay si bilaash ah uga heli karaan cunnooyinka
sar-sare, 2015 ayuu mashruucaas hirgiliyay welina waxa uu ku rajo weynyahay
inuu sii ballaariyo oo uu gaarsiiyo magaalooyin waaweyn oo Europe ka mid ah
sida Paris oo France magaalo madax u ah.
Si maalinla ah waxa u yimaada
maqaayad uu duleedka magaalada Milan ee carrigga Talyaaniga ka furay 96 ruux,
ka geddisan maqaayadaha lagu liido saboolka oo iyagay gaar u tahay, wey
yimaadaan, dalabkooda ayay dhiibtaan si qurux badan ayaana miiska loogu soo
saaraa, badi dadkaana waa kuwa hoy la’aanta ah.
Marka galbeedkii qoto dheeridaa uga
daadagto kaabidda kuwa nolosha heerka hoose ka joogga, kaalinta kuweenna ladan
oo waliba alle u balan qaaday helidda inta ay bixiyaan laba-laabkeeda sidey
noqon kartaa.
Waa marag madoonto in loo baahan
yahay baraarug dheeli-tiran oo aan keliya aheyn inta ay ishu heyso, balse ka
guda ballaaran, dhamaadkana aan ku weyn karno shaqsi soomaali ah oo gelin xataa
u qada shilimaadka jeebka inoogu jira.
No comments:
Post a Comment