![]() |
Geelu waa mid kamid ah nimcooleydu
eebe innagu galladay, Waa halbeeg muddaba soomaalidu ku cabiri jireen
hodantinimada ruuxa, Waa xoolaha la
dhaqdo kan ugu lixaadka weyn oo leh Kurus
inkastoo laga helo bartamamaha Aasiya laba kurusle.
Sida aan wada ognahay geelu waa
noole cajiib ah oo waxyaabo badan oo jirkiisa ka mid ah daawo alle nooga
dhigay, waa xayawaan gaajada iyo haraadka u adkaysan kara bilooyin sidaas oo ay
tahay hadane isbaddal kuma yimaad faa'idooyinka laga helo; siiba hilibkiisa iyo
caanihiisa.
Tusaale caanaha geela oo aan
qormadaan ku lafa guri doonno faa’idooyinka caafimaad oo ay xanbaarsan yihiin
ayaa waxaa la isku waafaqsan yahay in ay yihiin caanaha ugu caafimaadka badan
dunida marka laga reebo caanaha hooyada.
Waa caano faa'ido u leh da’a kasta
oo aadamaha ah, lagana helo nafaqooyin badan oo isugu jira waxyaabaha kala
duwan oo uu jirku bini'aadanka u baahan yahay. Midab ahaan waa caddaan leh
dhadhan xooggan iyo riix macaan, waa suurta gal iney kala duwnaadaan dhahan
ahaan sabab loo tiiriyo daaqqa uu helo geela iyo biyaha.
Dhawr ka mid ah faa’idooyinka
caafimaad ee caanaha geela oo aan halkaan ku soo bandhigi doonno ayaan ka
dhigneyn dhammaan inta faa’ido ee laga helo.
- Waxa ka buuxa Nafaqada jirka: sida Protein, calcium, phosphorus, vitamin C, and niacin (vitamin B3).
- Xakameynta Cudurka Macaanka: Nafaqada laga helo caanaha geela waxaa ku jira hormoonka insulin-ta kontaroosha sokorta.
- Difaaca jirka: Caanaha geela waxaa ka buuxa borotiin farabadan, borotiinada qaar waxay jirka u xilsaaran yihiin ka difaacista jeermisyada iyo xanuunada soo booddada ah, sidaa darteed waxay sare u qaadaan difaaca jirka, waana sababta dadka la baaninayo la siiyo.
- Korriimada iyo Caafimaadka lafaha: Waxaa ku jira walxo adkeeya lafaha iyo murqaha qofka sida Calcium, oo ay ku jirto 3 jibaar inta laga helo caanaha lo'da, waana sababta caanaha geela ay ugu horreeyaan quudka lagu caawiyo qofka jaba si kabniinka u sahlanaado.
- Ka hortagga dhiig yarida: Caanaha geela waxaa ka buuxo maadada birta oo ka hortagta dhiig-yarida, firfircoonida unugyada dhiigga.
- Daweynta Xasaasiyadda: Caanaha geelaha waxay daawo u yihiin xanuunada ka dhasho xasaasiyadda sida samboorka, neefta, xajiinta maqaarka iyo xasaasiyadda cuntada, caruurta ku xanuunsado caanaha lo'da iyo cunnooyinka qaarkood, waxaa lagu daaweeyaa caanaha geela, sida cilmi baarisyo la sameeyay ay sheegaan.
- Caafimaadka Wadnaha: Caanaha geela waxay isu dheellitraan kolestaroolka labadiisa nuuc, sidaas awgeed waxay udub dhexaad u yihiin caafimaadka wadnaha, sidoo kale waxay qofka ka caabiyaan wadna qabadka ka dhasha qulqulka dhiigga xididdada wadnaha.
- Ka hortagga Kansarka: Caanaha geela waxaa la ogaaday inay ka hortag u yihiin kansarka ku dhaco uur ku jirta sida beerka, xiidmaha iyo malawadka, waana arrin lagu ogaaday cilmibaarisyo kala duwan.
1
No comments:
Post a Comment