![]() |
Sawirka waxa aan ka soo qaatay Google |
Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray
soomaaliya, waxa ay xudduntiisu ku duugantahay Magaalada Eyl ee Gobolka Nugaal,
sanadii 1948 ayuu ifka yimid, tacliintiisa ilaa heer jaamacadeed waa dalka
hooyo oo waxa uu ka baxay jaamacadda umadda, inkastoo heerka labaad iyo kan
saddexaadba uu ku qaatay dalalka banaanka. Waxa uu kamid ahaa tobbankii
macallin ee ugu horreysay jaamacadda umadda kuwaas oo lagu baddelay
macallimiintii talyaaniga ee barayaasha ka ahaa kulliyadii sharcigga.
Saddexda sano ee soo socota ayuu
ahaan doonaa guddoomiyaha maxkamadda cadaaladda aduunka ee ku taala The Hague,
Dalka Holland, islamarkaana ah waaxda QM u qaabilsan cadaaladda oo shaqadeedu
tahay Nabad sugidda iyo Nabad abuuridda dawladaha dunida.
Waa shaqsi ay ku weyntahay qadiyadda
Soomaalinimada; jecel inuu aqoontiisa uga faa’ideeyo soomaalida haddii ay
xaaladu u saamaxdo, sanado dhawr ah ayuu ka soo shaqeeyay dhawr waaxood oo hoos
yimaada QM, Sida Hay’adda Waxbarashada
Qaramada Midoobe u qaabilsan ee loosoo gaabiyo UNESCO, Hay’adda Qaramada
Midoobay ee Horumarinta Warshadaha ee UNIDO, iyo u qaabilsanaha Shirka Qaramada
Midoobay ee Ganacsiga iyo Horumarinta UNCTAD.
Mr Cabdiqawi, waa garsoore caalamiya
oo horey madaxweyne ku xigeen uga soo noqday Maxkamadda ICJ, bare sarane ka ah jaamacado
kala duwan oo ku yaala Qaaradah Europe, Africa, Australia iyo America, sidoo
kale waa seesdhigaha mac-had Qeynuunka caalamiga lagu barto oo ku yaala Arusha,
Tanzania.
Mar uu lahadlayay warbaahinta waxa
uu carrabka ku dhuftay iney tahay guushiisa mid u soo hoyotay umadda
soomaaliyeed oo aan ku koobneyn kaligiis, in loo garto hogaanka maxkamadda
cadaaladdana waxa uu ku tilmaamay soo buuxinta shuruudaha ruuxa lagu aaminayo
xilkaas- sida inuu ku wanaagsan yahay luqadaha looga shaqeeyo maxkamadda, isku
wadidda dhammaan inta kala tirsaneysa dhibaatada iyo tixgelinta aragtiyada
garsoorayaasha oo idil.
Maxkamadda Cadaaladda aduunka ee
iminka hogaankeeda loo gartay Cabdiqawi waxa la bud dhigay 70 sano ka hor, tan
iyo billawga shaqadeeda waxa la horkeenay dacwada gaaraya 200, Shaqada ugu
horeeysa ee hayadani waa xallinta muranka xadadka iyo ilaalinta heshiisyada
dhulka ee wadamada xubinta ka ah. Sidoo kale waxay talobixin siisaa Golaha Sare
ee hayadaha Qaramada Midoobay.
Cabdiqawi Ahmed Yusuf ayaa ku
biiray Maxkamaddaan 6 February 2009, hayeeshee lix sano kaddib ku
mid noqoshadiisii garsoorayaasha Maxkamadda oo ku sumadan 6 February 2015, ayaa
loo doortay guddoomiye xigeenka ICJ, saddex sano kaddib ayaa haddana iminka loo
gartay in codka doorashada uu isagu mudanyahay; taas oo keentay inuu ku
fadhiisto gursiga ugu sarreeya daarta lagu naaneeso, dhismaha Nabadda aduunka.
No comments:
Post a Comment