Friday, June 21, 2019

Marti geliyaasha AFCON 2019 oo caawa daah furka wajahaya Zimbabwe

AFCON 2019
Tartanka qaramada afrika ayaa caawa lagu wadaa inuu ka farmo dalka waqooyiga afrika dhaca ee Masar, waa kii 32-aad tan iyo inta la bilaabay 62 sano ka hor oo ku suntan1957.

Koobkaan oo uu soo agaasimo xiriirka kubadda cagta qaaradda africa ee CAF, ayaa sanaddaan waxa ka qeyb gali doona 24 xul markii ugu horreysay - maadaama dhawrkii sano ee la soo dhaafay tiradu aheyd 16 xul keliya.

Cimilada dalka Masar oo kulul darteed waxa la qorsheeyay in kulankiiba labo jeer nasiino la aado, waa mid ka mid ah waxyaabaha kale ee ku cusub AFCON 2019 - tiiyoo la sii raaciyay in la isticmaali doono aaladda garsoor caawiyaha ee VAR.

Masar ayaa si heer sare ah isugu diyaarisay martigelinta koobkaan iyadoo diyaar gareysay lix garoon kubadeed oo afar magaalo ku kala yaal, Cairo International Stadium iyo 30 June Stadium oo ku yaala caasimadda dalkaas ee Cairo, Alexandria Stadium oo ku yaal magaalada Alexandria, Suez Stadium oo dhaca Suez, Ismailia Stadium oo isna ku yaal Ismailia and Al Masry Club Stadium oo magaalada Port Said dhaca.

AFCON 2019
Marti geliyaasha sanadkaan ayaa kulanka ugu horreeya wajihi doona xulka Zimbabwe, saacaddu markey tahay kaw iyo tobanka fiidnimo ee caawa (11:00pm), waxaana garoonka daah furka loo caleema saaray Cairo International Stadium.

Shax adag ayay labada xulba durba soo bandhigeen inkastoo laga yaabo daqiiqadaha ugu danbeeya iney is bedesho;

Haddii aan ku hormarno Egypt, waxa si hordhac ah kulanka caawa magacaaban El Shanawy; Elmohamady, Alaa, Hegazi, Ahsraf; Hamed, Elneny; Salah, Warda, Hassan; Mohsen
Halka Zimbabwe iyana aysan ka liidan oo ay hordhac usoo magacawday Sibanda, Mudimu, Phiri, Lunga, Billiat, Musona, Nakamba, Mushekwi, Karuru, Hadebe, Darikwa.

Taariikh ahaan marka la eego labada xul waxa ku fac weyn tartankaan xulka Masar oo ah kan ugu guulaha badan AFCON, waxa uuna hantay toddobo jeer oo ay ugu danbeysay sanaddii 2010, oo sidaan oo kale lagu qabtay dalkaan balse waxa difaacanaya sanadkaan Cameroon oo hanatay kii ugu danbeeyay ee 2017.

Taaba gelinta AFCON 2019, Waa shirkadda Total taas oo ah sababta loogu magac daray tartankaan Total 2019 Africa Cup of Nations.

Xafladda furitaanka waxa lagu marti qaaday Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha kubadda cagta aduunka ee FIFA iyo fanaaniin caan ah oo qaaradda laga yaqaan sida fanaanka reer Nigeria ee Femi Anikulapo-Kuti.

AFCON 2019
Inkastoo hanashada koobkaan ay u wada siman yihiin 24-ka xul ee kawada qeyb galaya haddana xulka uu hogaaminayo Mo Salah – dalkiisana lagu marti gelinayo ee Masar ayay lafagurayaasha kubadda cagta u saadaalinayaan AFCON 2019.


Daqiiqadaha ugu danbeeya ee tartankaan la cayaari doono sida ay CAF qorsheysay waa 19 bisha ina soo aadan ee July, waana madasha lagu ogaan doono cidda loo surayo taajka TOTAL AFCON 2019. 

No comments:

Post a Comment