![]() |
AFCON 2019 |
Tartanka qaramada afrika ayaa caawa lagu wadaa
inuu ka farmo dalka waqooyiga afrika dhaca ee Masar, waa kii 32-aad tan iyo
inta la bilaabay 62 sano ka hor oo ku suntan1957.
Koobkaan oo uu soo agaasimo xiriirka kubadda cagta
qaaradda africa ee CAF, ayaa sanaddaan waxa ka qeyb gali doona 24 xul markii
ugu horreysay - maadaama dhawrkii sano ee la soo dhaafay tiradu aheyd 16 xul
keliya.
Cimilada dalka Masar oo kulul darteed waxa la qorsheeyay
in kulankiiba labo jeer nasiino la aado, waa mid ka mid ah waxyaabaha kale ee
ku cusub AFCON 2019 - tiiyoo la sii raaciyay in la isticmaali doono aaladda
garsoor caawiyaha ee VAR.
Masar ayaa si heer sare ah isugu diyaarisay martigelinta
koobkaan iyadoo diyaar gareysay lix garoon kubadeed oo afar magaalo ku kala
yaal, Cairo International Stadium iyo 30 June Stadium oo ku yaala
caasimadda dalkaas ee Cairo, Alexandria Stadium oo ku yaal magaalada
Alexandria, Suez Stadium oo dhaca Suez, Ismailia Stadium oo isna
ku yaal Ismailia and Al Masry Club Stadium oo magaalada Port Said dhaca.
![]() |
AFCON 2019 |
Marti geliyaasha sanadkaan ayaa kulanka ugu horreeya
wajihi doona xulka Zimbabwe, saacaddu markey tahay kaw iyo tobanka fiidnimo ee
caawa (11:00pm), waxaana garoonka daah furka loo caleema saaray Cairo
International Stadium.
Shax adag ayay labada xulba durba soo bandhigeen inkastoo
laga yaabo daqiiqadaha ugu danbeeya iney is bedesho;
Haddii aan ku hormarno Egypt, waxa si hordhac ah kulanka
caawa magacaaban El Shanawy; Elmohamady, Alaa, Hegazi, Ahsraf; Hamed, Elneny;
Salah, Warda, Hassan; Mohsen
Halka Zimbabwe iyana aysan ka liidan oo ay hordhac usoo
magacawday Sibanda, Mudimu, Phiri, Lunga, Billiat, Musona, Nakamba,
Mushekwi, Karuru, Hadebe, Darikwa.
Taariikh ahaan marka la eego labada xul waxa ku fac weyn
tartankaan xulka Masar oo ah kan ugu guulaha badan AFCON, waxa uuna hantay
toddobo jeer oo ay ugu danbeysay sanaddii 2010, oo sidaan oo kale lagu qabtay
dalkaan balse waxa difaacanaya sanadkaan Cameroon oo hanatay kii ugu danbeeyay
ee 2017.
Taaba gelinta AFCON 2019, Waa shirkadda Total taas
oo ah sababta loogu magac daray tartankaan Total 2019 Africa Cup of Nations.
Xafladda furitaanka waxa lagu marti qaaday Masuuliyiin
kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha kubadda cagta aduunka ee FIFA iyo
fanaaniin caan ah oo qaaradda laga yaqaan sida fanaanka reer Nigeria ee Femi
Anikulapo-Kuti.
![]() |
AFCON 2019 |
Inkastoo hanashada koobkaan ay u wada siman yihiin 24-ka xul
ee kawada qeyb galaya haddana xulka uu hogaaminayo Mo Salah – dalkiisana lagu
marti gelinayo ee Masar ayay lafagurayaasha kubadda cagta u saadaalinayaan
AFCON 2019.
Daqiiqadaha ugu danbeeya ee tartankaan la cayaari doono
sida ay CAF qorsheysay waa 19 bisha ina soo aadan ee July, waana madasha lagu
ogaan doono cidda loo surayo taajka TOTAL AFCON 2019.