![]() |
Ali Abdalla Salah |
Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo Isniintii ay
soo af-jarantay noloshiisa adduunyo, waxa uu ahaa 75 jir 21 Marso 1942 ku
dhashay tuulada Baytul Al-ahmar oo hoos timaada deegaanka Sanxaan ee Gobolka
Sancaa.
Waxa uu ka dhashay qoys sabool ah, waxa uu ku soo
barbaaray nolol halgan ku dhisan ka ddib markii isagoo da’yar kala tageen
waalidiintiisa. Bilawgii noloshiisa waxa uu la kawsaday qawsaarnimo, waxa uu
ahaa ari jire aan waligii nasiib u yeelan wax-barasho nadaami ah.
Dhamaadkii kontameeyada oo ku samadan 1958 ayuu
ku biiray ciidamada Yaman, da’a ahaanna waxa uu jiray 16 sano. Kaddib waxa uu
ka mid noqday sanadii 1960-kii dugsiga ciidamada, saddax sano kaddib waxa uu ka
qeyb qaatay kacdoonkii Yaman ee September, hayeeshee 1964-tii waxa uu ku biiray
dugsiga lagu barto hubka iyo gawaarida gaashaaman si uu ugu gaaroobo dagaalada
culus.
Sanadkii 1970 waxa uu ku dhaawacmay dagaal
sokeeye oo Yaman ka dillaacay loona kala saftay laba dhinac oo mid ka mid ahi
baritaaraysay dawladda Sucuudigga.
Afar sano kaddib dagaalkaas waxa uu ka qeyb
qaatay Inqilaab Militari balse sanadii 1975 ayaa loo magacaabay taliyaha
Milatariga Magaalada Taciz. Taas oo uu ku kasbaday sumacad ballaaran, waxa uu
ku matalay dawladdi la oran jiray Jamhuuriyadda Carabta ee Yaman fagaarayaasha
caalamka.
Isla madaxweynihii dawladaas Ibraahim Xamadi iyo
walaalkiis ayaa sababo dahsoon loogu shirqoolay 11 Oct ee sanadkii 1977-dii.
Ku xigeenkiisii Axmed Al-Gashami ayaa xilka la
wareegay kaas oo isna in ka yar hal sano lagu shirqoolay xafiiskiisa kagadaal
markii lagu tuhmay inuu ka danbeeyay dilkii madaxweynihii isaga ka horreeyay.
Cali Cabdalla Saalax oo markaa xubin firfircoon
ka ahaa golaha sare ee dawladda ayaa qabtay hogaanka Yamantii la oran jiray
Jamhuuriyadda Carabta Yaman Augusto 1978.
Sanad kaddib oo ku beegan 1979-kii ayaa waxa
fashilmay isku day Inqilaab oo xilka looga tuuri rabay, wixii waqtigaas ka
danbeeyana waxa gabaadsaday Eheladiisa iyo intii aqoonta u saaxiibka aheyd.
Bishii May sanadii 1990-kii waxa uu ku
guulaystay inuu la heshiiyo madaxweyniha dawladii iyana la oran jiray Dawladda
Yaman ee Dimoqraadiyadda Shacabka. Waxaana madaxweynaha guud ee Yaman loo caleema
saaray Cali Cabdalla Saalax halka Cali Saalim Albeidh oo isna dhanka kale madax
ka ahaa laga dhigay ku xigeen.
In kasta oo khilaaf labada dhinac dhex-maray
dagaal faraha looga gubtay Yaman ka sababay oo loo kala baxay Koofur iyo
Waqooyi haddana guusha waxa ay raacday Waqooyiga oo uu hogaaminayay Cali
Cabdalla Saalax. Dhammaadkii dagaalka kaddib sanadii 1999 waxa uu si doorasho
Madaxtinimo ah ugu guuleystay xilka Madaxweynaha Yaman.
Guushaas waxa ay u aheyd mid taariikhi ah hase
ahaatee ma dhexelsiinin deganaan siyaasadeed iyo kursi raaxo, waxa ku furmay
mucaarado xoogan, Waqooyiga waxa gadood ka waday Xuutiyiinta hadda soo afjaray
waayihiisa dunida, Koofurta waxa ka kacay qolyo leh midawga waxa uu ina
duudsiiyay qoondadeenii halka ay birta dhanka kale soofaha ka deyn kooxda
Alqaacidda qeybteeda Jaziiratul Carab oo awood muuqata ku lahayd Yaman.
Madaxweyne Saalax dhankiisa isna waxa uu daaqad
saaxiibtinimo uga furay Reer Galbeedka siiba Mareykanka taas oo Yaman ka
dhigtay goob ay Alqaaciddo u aragtay fursad u furan jihaad, Darooniska
Mareykankana u noqotay marin.
Cali Cabdalla Saalax dillaacii gugucii Carabta
waxa uu galay liiska hogaamiyaashii Carbeed ee jilbaha u dhigtay kacdoonkii
shacabka. Inkasta oo markii danbe ogolaaday isku dayo nabadeed oo ay wadeen
dawladaha Khaliij-ka haddana arrintu waxa ay faraha ka baxday June 2011—oo ugu
danbeyn sababtay dhaawac soo gaara Mr Saalax isaga oo ku sugan Masjid ku yaal
qasriga Madaxtooyada.
9 billood kaddib dhaawicii looga soo daweeyay
Sucuudiga waxa billawday habkii looga wareejin lahaa xukunka, waxana Bishii
February 2012-kii loo dhiibay Cabdi rabbi Mansuur Haadi Madaxweynaha sharciga
ee Iminka.
Wareejinta xukunkiisa kaddib waxa uu noqday
laacib kala maareeya siyaasadda Yaman, waxa ku garab noqday Xuutiyiinta, waxa
uu tiro dhawr jeer ah u goodiyay Madaxweyne C rabi Mansuur Haadi, waxa uu sidoo
kale marar badan canbaareeyay isbaheysiga carabta ee uu horboodayo Sucuudiga
isagoo ku sheegay kuwa u adeegsanaya wadanka Hub ay manuuc tahay in la
isticmaalo.
Muddo kaddib waxa soo baxay is maandhaaf u
dhaxeeya isaga iyo Xuutiyiinta, waxa ay ku eedeeyeen inuu si hoose ula
heshiiyay Sucuudiga. Wixii intaas ka danbeeyay waxa bilaabmay canbaareyn labada
dhinac hawada isku mariyeen, Hogaamiyaha Xuutiyiinta C Almalik Al-xuutii ayaa
mar ku dhawaaqay ineysan natiija kasoo bixi Karin heshiis walba oo dhex mara
Cadawgooda, hase yeeshee waxa ka war celiyay Mr Saalax oo dhankiisa sheegay
inuu soo afjarayo wadaagii uu la ahaa Xuutiyiinta islamarkaana bog cusub la
furanayo isbaheysiga Sucuudiga.
Isbaheysiga aad ayuu u soo dhaweeyay wada hadal
uu la qaato Cali Cabdalla Saalax, balse Xuutiyiinta oo u arkay inuu madax mas
ku qoob ka cayaarayo ayaa weerar ku ekeeyay kolonyo uu la socday, waxa ayna
guul taariikhi ku tilmaameen soo afjaridda cimrigiisa 75 sano kaddib Eebe ka
sokow.
No comments:
Post a Comment