![]() |
Google image |
Madaxdeena
maskaxdooda ayaa notebook u ah! Marka ka daaya mashquulka ragaan dantooda ha
wataane; inaguna marqaatiyaal baynu kanahay xalkaas! Anaguna ficilkeenu ha
ahaado Fadhi-ku-dirir.
Oraahdaasi waa mid
kamid ah dhowr faallo oo laga bixiyay sawir muujinaya madax Soomaaliyeed oo la
shirsan ergo ku suganeed shir caalami ah oo lagu qabtay dalka Belgium-ka.
Mid kale ayaa kusoo
aragti dhiibanaya: raggaas dadka ka sugaya hoggaan iyo dowlad ayaa meel cidlo
ah fadhiya waa rag ka fikiraya nin walba wuxu laqi lahaa; waxaana cadeyn kuu ah
waxa loo aqrinayo miiska ayay uga soo tagayaan laakiin wixii qarash ah way soo
qaadanayaan.
Dhowr aragtiyo kala
duwan ah ayaa laga bixiyay sawirkan kuwaas oo badigood aan u muuqan kuwa beeri
kara toosin iyo wax sixid, balse jid u furayay dhaleeceyn iyo meel-ka-dhac
shaqsiyadeed oo lagala dul-dhaco dadka maqaam ahaan bulshada ku matala xilal
muhiim ah.
Malada fiican waa
cashar u dhiman in loo dhigo kumaanka kun ee ku xiran baraha bulshada kuwaa oo
wixii lasoo hor-dhigaba si laab-kaca xukun degdeg ah ugu rida. Mararka qaar,
intooda badan waxay si kalsooni leh ugu dhiirradaan inay mad-harka ka
qiimeeyaan uur aysan gudihiisa ogaal u lahayn.
Nasiib-darro, kani
ma ahan dhacdada kaliya ee mar la’arag ku ah baraha bulshada. Waxaa jira dhowr
sheekooyin qofeed ku saabsan shaqsiyaad maqaam ahaan kala sarreeya kuwaas oo
lagu xad-gudbo shaqsiyadooda gaarka ah.
Baraha Bulshadu
waxaa ugu danbeyn lagu sifeyn karaa fadhi-ku-dirirkii qaddiimiga ahaa ee la
iskugu imaan jiray goob cayiman. Balse gudo ahaan aad bay uga macno ballaaran
yahiin marka la fiiriyo baaxadda ay la’eg yahiin tirada dadka ku midaysan oo –
iyaga oo ku kala nool meelo kala duwan – awoodi kara inay gorfeeyaan dhacdo socota.
Waxa ka dhigay
Bar-kulanka Baraha Bulshadu duni u furan gorfeynta iyo faaqidaada dhacdooyinka
maalinlaha ah waa in da’deedu aysan lahayn xad lagu yaqaan.
Si mida gayaanka ku
jira hana-qaadka hore ee nolosha iyo da’da culus waxay wadajir isula jaan-qaadaan
qaadaa-dhigga sheekooyinka dharaar kasta lala noolyahay ee lasoo dhigo
baraha haba ugu horreyo facebook.
Qoraallada isugu
jira taariikhaha, siyaasadda, ciyaaraha, jaceylka iyo maaweelada, ayaa
udub dhexaad u ah is-dhaafsiga aragtiyada iyo soo-gudbinta macluumaadka ka kala
dahsoon. Waana dhinaca fiican.
Balse mid aan helin
mudnaantii loo baahnaa ama aan loo yeelan fiiro gaar ah waa marka ay timaado
ka-hadalka dhacdooyinka la xiriira xurriyadda shaqsiyaadka ama marka la rabo in
laga fal-celiyo fikirka qofka.
Waxa yaab leh in
qofka fikirkiisa ama muuqaalka lagu arko sumad ahaan loogu naaneyso ama xifaalo
ahaan la isla dhex maro baraha bulshada. Toddobaad walba waxaa taagan
dhacdooyin shaqsiyadeed kuwaas oo – in kasta oo fikradahooda aan lala wada
dhici Karin – aan xaqna aysan taasi albaab u furi Karin ku xad-gudubka
qofnimadooda gaarka ah.
Hal-dhacdo iyo dhowr
fikradood oo aad qofka ku kala duwan tihiin micnaheedu ma ahan inay keensaneyso
inaad xusuusan weydo waxyaalaha ama fikradaha aad ka midaysan tihiin. Kamana
dhigna inay taasi la imaan karto kala-tag iyo ilaaq ama muran ku dhisan
aflagaado. Waayo waxaa badan inta laga wada siman yahay aragti ahaan.
Ayaan-darro
falsafaddani ma ahan mid sahay u ah saaxiibada ku midaysan baraha bulshada.
Taas bedelkeeda aragtida kale ee ku dhex baahsan baraha kala duwan waa naqdin
indha la’ iyo canbaareyn qaawan oo qofka lagula kaco.
Sideedaba xurriyadda
qofku waxay ku eg tahay meesha ay ka bilaabato qofka kale xurriyaddiisa. Dhaqan
ahaan, dib markii aynu u fiirino siduu ahaa wada-hadalkeennii hore, waxaan soo
heli karnaa inuusan mar walba yeelan jirin dhammaad farxad leh.
Maanta oo la yimid
hannaan sahlaya fadhi-ku-dirir aan ugu yaraan gacmaha la iskula tagi Karin – oo
masaafo ahaan aad loo kala fog yahay – waa lama huraan in la qadariyo hoggaanka
umadda si walba oo ay u leeyihiin dhaliilna waa in loo maraa tilmaanta
dhaliishooda sifaha saxda ah.