![]() |
Magaalada Quddus |
Quddus waa mid kamid ah magaalooyinka ugu da’da weyn koonkaan. Waxa
ay kulansatay saddexda diimood ee Islaamka, Masiixiyadda iyo Yuhuudda.
Qarniyo wada noolaashiyo iyo is-maan-dhaaf loolan ka dhashay
ayay soo martay magaaladan marka dib loo raaco sooyaalkeeda.
Tiro dhawr jeer ah waxa ay marti u noqotay duullaan, dumin iyo
dib-u-dhisid magaaladan luqadda cibriga Yuhuuddu ugu taqaan Jerusalem.
Sheekooyinka loolan ee magalaaladan waxa ay dhamaantood dib ugu
laabanayaan saddexda diimood oo ay kulmiso, jeer qolo walbaahi dhankeeda kala
midaysantahay aragti ahaan Qaddarin iyo dhul barako.
Xuddunta Magaalada waxa ku midaysan qaar kamid ah dhismooyinka ay
qaddariyaan Muslimiinta, Yuhuudda iyo Masiixiyiinta. Sida Masjidkii laga
dheelmiyay Nabigeenna NNKH ee Xaramu Shariif, Kaniisadda kulmisa Masiixiyiinta
oo sanadkiiba mar isugu yimaadaan iyo Darbiga Bureeq oo ay Yuhuudda ula baxeen
Gidaarkii Baroorta.
Shirqoolkii loo maleegay Quddus boqol sano kahor.
Kahor dhamaadka dagaalkii koowaad ee dunida gaar ahaan 2 Nov
1917-kii, xog-hayihii umuuraha dibadda ee Biritan, Arthur Balfour ayaa warqad u
qoray bangiga British-ka iyo mid kamid ah hoggaamiyayaasha Yuhuudda ee Britain,
Baron Rothschild taas oo horseeday aas’aaska dowlad Yuhuud ah iyo
dagaalo diidmo ku dhisan oo ka dhacay Bariga Dhaxe.
Qoraalkaas oo loogu magac daray Wasiirkii arimaha dibadda Biritan
ee waagaas qallinka dul-dhigay ayaa iminka ku caan baxday baaqii Balfoor
(Balfour Declaration), waxaana ku caddaa sida Ingiriiska u arko dhaq-dhaqaaqii
Sahyuuniyadda ee ku salaysnaa sidii dawlad Yuhuudi leedahay looga unki lahaa
dhulka reer Falastiin.
Inkastoo aysan warqaddaas si cad uga muuqan taageerada dawladda
Ingiriiska ee ka yagleelidda dhulka reer Falastiin dawlad Yuhuudi leedahay,
haddana Britan waxa ay door siyaasadeed oo muuqda ku laheyd bud-dhigii 31 sano
kaddib qoraalkaas dawlad Yuhuudi leedahay.
Waxaana aragtidaas sii xoojiyay markii xoogagga biritan oo uu
horkacayay General Allenby ay gudaha u galeen Magaalada Quddus December 1917,
kaddib burburkii Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta iyo isaga bixitaankii
askartii Turkiga. Waagaas Quddus waxa ay caasimad u aheyd dawladda Falastiin
sida ku cadeed qaraarkii League of Nation.
Dhawr sano dabadeed dhammaadka dagaalkii koowaad ee dunida, Yahuudda
waxa ay bilawday inay u hijrooto dhulka reer Falastiin maadaama Ingiriisku
gacanta ku hayay, waana markii Mufti Yuhuudiya uu ku baaqay in lala dagaallamo
Carabta, inkastoo Ragheb Al Nashashibi oo Falastiiniya uu Quddus madax ka ahaa
intii u dhaxeysay sanadihii 1920-kii ilaa 1934-kii.
1936-kii waxa magaalada Quddus ekeeyay weerar looga soo horjeeday
joogitaanka Ingiriiska ee dhulka reer Falastiin halkaas oo ay isaga carareen
Yuhuudda qaar.
Falastiin waqtigaas kaddib waxa ay gashay xasarado, waxa ay socdeen
ilaa dagaalkii labaad ee dunida, inkasta oo deganaan aan buurneyn ay gashay
Quddus billawgii dagaalka labaad, haddana inta uusan dhammaan waxa dib ugu soo
laabtay qalalaasihii.
1947-kii waxa si rasmiya u dillaacay rabshado ballaaran oo ekeeyay
Carab iyo Yuhuud, waxa ayna isaga direen halkii loo badnaa labada dhinac dad
aad u fara badan. Isla sanadkaas ayaa lagu kala qeybiyay Falastiin qaraar kasoo
baxay QM.
Ka bixitaankii dhulka reer Falastiin ee Ingiriiska 14 May 1948-kii,
waxa lagu dhawaaqay Dawlad Yuhuud ah, waxana billawday dagaal xoogan, waxay
ayna ku qabsadeen Quddusta Galbeed, halka Jordanna ay la wareegtay xaafadihii
qadiimiga ee Qudusta Bari, waxayna taas keentay in magaaladu noqoto mid u kala
qeybsan Carab iyo Yuhuud.
1949 ayay Yuhuuddu iclaamisay in Quddus ay tahay caasimadda
dawladda Yuhuudda, iyada oo aqoonsi ka heysan beesha caalamka. Waxayna ku
qaadatay in xafiisyada dawladda qaarkood loo soo diray quddus dhawr sano.
1967 Quddus waxa ay si cad ugu kala qeybsantay bari iyo
galbeed, isla sanadaas bishii June ayay Yuhuudu qabsatay Daanta Galbeed oo ay
hoos timaado Quddus, waxayna kala dirtay maamulkii Quddusta Bari, una
magacawday maamul iyada hoos taga, markaas ayayna ku dhawaaqday Yuhuudda in
dhulka ay ka arimiso ka mid yihiin.
QM ayaa soo saartay go’aanno lagu canbaareynayay dhawaqqa Yuhuudda,
hase ahaatee dhagaha ayay ka fureysatay. Sidoo kale, beesha caalamka ayaa iyana
dhankeeda ku garab noqotay Falastiin iyo Carabta una aqoonsatay dhul Falastiin
oo xoog lagu heysto.
Sanadkii 1980-kii Kaniisadda Yuhuudda ayaa meel marisay Quddus inay
tahay magaalo madaxdooda, waxaana ka dhashay caro xooggan oo caalamka ka timid,
balse iyaga waxa ay u aheyd tallaab ay horay u qaadeen.
Yuhuudda ayaa dardar-gelisay dhisidda deegaannada hoos yimaada
magaalada Quddus intii uu socday kacdoonkii ugu horreeyay 1987-1993-kii
dhawaaqii kaniisadda kaddib. Dabadeed magaaladani barakaysan waxa ay
marti-gelisay rabshado cusub, oo ugu weynaa kuwii Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta
ku dhex-maray jidadka waaweyn ee magaalada sanadii 1990-kii.
Gudub Siyaasadeed
Sanadii 1993 waxa magaalada Oslo ee dalka Norway ka dhacay
is-afgarad u dhaxeeyay Falastiin iyo Yuhuudda, waxana lagu tilmaamay gudub ama
is-bedel siyaasadeed oo weyn, waxa Falastiin loogu ogolaaday in hey’adaha
hoos taga Ururka Xureynta Falastiin ka hawl-gali karaan Quddus, iyo in
carruurta ku dhasha ay ka qeyb qaadan karaan codeynta doorashada golaha qaran
ee Falastiin.
Heshiiskaas kaddib, Yuhuudda waxa ay bilawday habab dahsoon oo ay
kula wareegi karto Qudus, waxa ay kordhisay tirada yuhuudda deegaansaneysa oo
ay gaarsiisay 70% halka 30 % ay ku soo uruureen Falastiiniyiinta, kaddib waxa
ay si tartiib tartiib ah ku bilaabeen inay kala laabtaan xaqqa degenaashiyaha
muwaadiniinta reer Falastiin ee xudduntooda ku aasan tahay magaalada sababo u
laabanaya guryo yari iyo burburka dhismooyinka maadaama aan la siin
ruqsadii ay ku dayactiran karaan.
Sanaddii 2000, Madax-weynihii Mareykanka, Bill Clinton ayaa ku
fashilmay in miiska wada hadalka uu ku soo celiyo madax-weynihii Falastiin ee
xilligaas Yaasir Carrafaat iyo Ehud Barak RW Yahuudda, waxaana dabadeed Daanta
Galbeed iyo Marinka Gaza ka billawday rabshado kale.
Sanadkii 2003, Yuhuudda waxa ay daah furtay dhismaha gidaar kala
xadeeya labada dhinac oo boqolaal KM ku fadhiya, si ay uga hakato weeraradii
naf-hurnimada ee shuhada reer Falastiin, waxaana xilligaas ka gadaal ku kacay
beesha caalamka oo si mid ah ugu aragtay gidaarkaas mid xagal daacinaya geedi
socodkii nabadda ee labada dhan.
Hayeeshee 2004 Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICG ayaa ku
tilmaantay teedka Yuhuudda ay dhisayso mid hareer marsan qaynuunka caalamiga
ah, sidoo kale gacan ku heynta Yuhuudda ee qudusta bari iyana tahay mid ka dhan
ah sharciga adduunka.
Wixii intaasi ka danbeeyay xaalka labada dhinac waxa uu u dhaxeeyay
wada hadal iyo is-qoonsi gacan ka hadal u danbeeya. Sanadba sanad kale ayuu
usii dhiibayay, qaddiyadda labada dhinac ee Quds-na waxa loo aqoonsaday
mid cimrisay.
Geesta Falastiiniyiinta, Qudus waxa ay ka tahay boog damqata
tallaab walba oo dhankeeda loo qaado, Yuhuuddana waxa ay u aheyd dhawaqa kaliya
oo uu ku sasabto ruuxa u taagan hoggaanka Mareykanka, marka aan eegno
ballan-qaadyadii Bill Clinton, Jorge Bush iyo Barack Obama iskaba daa Trump oo
ka dhabeeyay ballan-qaadkiisii ol’olaha doorasho.
Ilbiriqsi walba oo ay saacadu jarto waxa ay soo gaartay lixdii-kii
bishan, waxaana mar qura sida horay loo ogaa kasoo baxay Aqalka Cad meelmarinta
qorshihii boqol sano kahor loo dajiyay in Qudus mar ay noqoto caasimadda
Yuhuudda.
Balse xaalku waxa uu dhoolla ka qosol u noqday intii ku mideysnayd
go’aanka Qudus loogu magacaabay caasimadda Yahuudda markii kulama is xig-xigay
oo ay yeesheen waziirrada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta iyo
hoggaamiyaasha dunida Muslimk ay kusoo koobmeen ‘waan cambaareyneynaa qudusta
barina waa caasimadda Falastiin.’