Sunday, December 17, 2017

Maqaal – Qorshaha lagu qabsanayo Quddus ku siman Qarni.

Magaalada Quddus
Quddus waa mid kamid ah magaalooyinka ugu da’da weyn koonkaan. Waxa ay kulansatay saddexda diimood ee Islaamka, Masiixiyadda iyo Yuhuudda.

Qarniyo wada noolaashiyo iyo is-maan-dhaaf  loolan ka dhashay ayay soo martay magaaladan marka dib loo raaco sooyaalkeeda.

Tiro dhawr jeer ah waxa ay marti u noqotay duullaan, dumin iyo dib-u-dhisid magaaladan luqadda cibriga Yuhuuddu ugu taqaan Jerusalem.

Sheekooyinka loolan ee magalaaladan waxa ay dhamaantood dib ugu laabanayaan saddexda diimood oo ay kulmiso, jeer qolo walbaahi dhankeeda kala midaysantahay aragti ahaan Qaddarin iyo dhul barako.

Xuddunta Magaalada waxa ku midaysan qaar kamid ah dhismooyinka ay qaddariyaan Muslimiinta, Yuhuudda iyo Masiixiyiinta. Sida Masjidkii laga dheelmiyay Nabigeenna NNKH ee Xaramu Shariif, Kaniisadda kulmisa Masiixiyiinta oo sanadkiiba mar isugu yimaadaan iyo Darbiga Bureeq oo ay Yuhuudda ula baxeen Gidaarkii Baroorta.

Shirqoolkii loo maleegay Quddus boqol sano kahor.

Kahor dhamaadka dagaalkii koowaad ee dunida gaar ahaan 2 Nov 1917-kii, xog-hayihii umuuraha dibadda ee Biritan, Arthur Balfour ayaa warqad u qoray bangiga British-ka iyo mid kamid ah hoggaamiyayaasha Yuhuudda ee Britain, Baron Rothschild taas oo  horseeday aas’aaska dowlad Yuhuud ah  iyo dagaalo diidmo ku dhisan oo ka dhacay Bariga Dhaxe.


Qoraalkaas oo loogu magac daray Wasiirkii arimaha dibadda Biritan ee waagaas qallinka dul-dhigay ayaa iminka ku caan baxday baaqii Balfoor (Balfour Declaration), waxaana ku caddaa sida Ingiriiska u arko dhaq-dhaqaaqii Sahyuuniyadda ee ku salaysnaa sidii dawlad Yuhuudi leedahay looga unki lahaa dhulka reer Falastiin.
Al-Aqsa Mosque, Xaramul Quddus Al-shariif waa dhismaha saddexaad ee ugu qaddarinta mudan muslimiinta, waa halkii laga dheelmiyay Nabigeenna NNKH, Kumanaan muslimiin ah ayaa daafaha caalamka uga yimaada Masjid-ka sanadkiiba mar ama bisha ramadaan si ay ugu cibaadeystaan.

Inkastoo aysan warqaddaas si cad uga muuqan taageerada dawladda Ingiriiska ee ka yagleelidda dhulka reer Falastiin dawlad Yuhuudi leedahay, haddana Britan waxa ay door siyaasadeed oo muuqda ku laheyd bud-dhigii 31 sano kaddib qoraalkaas dawlad Yuhuudi leedahay.

Waxaana aragtidaas sii xoojiyay markii xoogagga biritan oo uu horkacayay General Allenby ay gudaha u galeen Magaalada Quddus December 1917, kaddib burburkii Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta iyo isaga bixitaankii askartii Turkiga. Waagaas Quddus waxa ay caasimad u aheyd dawladda Falastiin sida ku cadeed qaraarkii League of Nation.

Dhawr sano dabadeed dhammaadka dagaalkii koowaad ee dunida, Yahuudda waxa ay bilawday inay u hijrooto dhulka reer Falastiin maadaama Ingiriisku gacanta ku hayay, waana markii Mufti Yuhuudiya uu ku baaqay in lala dagaallamo Carabta, inkastoo Ragheb Al Nashashibi oo Falastiiniya uu Quddus madax ka ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 1920-kii ilaa 1934-kii.

1936-kii waxa magaalada Quddus ekeeyay weerar looga soo horjeeday joogitaanka Ingiriiska ee dhulka reer Falastiin halkaas oo ay isaga carareen Yuhuudda qaar.

Falastiin waqtigaas kaddib waxa ay gashay xasarado, waxa ay socdeen ilaa dagaalkii labaad ee dunida, inkasta oo deganaan aan buurneyn ay gashay Quddus billawgii dagaalka labaad, haddana inta uusan dhammaan waxa dib ugu soo laabtay qalalaasihii.


1947-kii waxa si rasmiya u dillaacay rabshado ballaaran oo ekeeyay Carab iyo Yuhuud, waxa ayna isaga direen halkii loo badnaa labada dhinac dad aad u fara badan. Isla sanadkaas ayaa lagu kala qeybiyay Falastiin qaraar kasoo baxay QM.

Ka bixitaankii dhulka reer Falastiin ee Ingiriiska 14 May 1948-kii, waxa lagu dhawaaqay Dawlad Yuhuud ah, waxana billawday dagaal xoogan, waxay ayna ku qabsadeen Quddusta Galbeed, halka Jordanna ay la wareegtay xaafadihii qadiimiga ee Qudusta Bari, waxayna taas keentay in magaaladu noqoto mid u kala qeybsan Carab iyo Yuhuud.

1949 ayay Yuhuuddu iclaamisay in Quddus ay tahay caasimadda dawladda Yuhuudda, iyada oo aqoonsi ka heysan beesha caalamka. Waxayna ku qaadatay in xafiisyada dawladda qaarkood loo soo diray quddus dhawr sano.

1967 Quddus  waxa ay si cad ugu kala qeybsantay bari iyo galbeed, isla sanadaas bishii June ayay Yuhuudu qabsatay Daanta Galbeed oo ay hoos timaado Quddus, waxayna kala dirtay maamulkii Quddusta Bari, una magacawday maamul iyada hoos taga, markaas ayayna ku dhawaaqday Yuhuudda in dhulka ay ka arimiso ka mid yihiin.

QM ayaa soo saartay go’aanno lagu canbaareynayay dhawaqqa Yuhuudda, hase ahaatee dhagaha ayay ka fureysatay. Sidoo kale, beesha caalamka ayaa iyana dhankeeda ku garab noqotay Falastiin iyo Carabta una aqoonsatay dhul Falastiin oo xoog lagu heysto.

Sanadkii 1980-kii Kaniisadda Yuhuudda ayaa meel marisay Quddus inay tahay magaalo madaxdooda, waxaana ka dhashay caro xooggan oo caalamka ka timid, balse iyaga waxa ay u aheyd tallaab ay horay u qaadeen.



Yuhuudda ayaa dardar-gelisay dhisidda deegaannada hoos yimaada magaalada Quddus intii uu socday kacdoonkii ugu horreeyay 1987-1993-kii dhawaaqii kaniisadda kaddib.  Dabadeed magaaladani barakaysan waxa ay marti-gelisay rabshado cusub, oo ugu weynaa kuwii Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta ku dhex-maray jidadka waaweyn ee magaalada sanadii 1990-kii.

Gudub Siyaasadeed

Sanadii 1993 waxa magaalada Oslo ee dalka Norway ka dhacay is-afgarad u dhaxeeyay Falastiin iyo Yuhuudda, waxana lagu tilmaamay gudub ama is-bedel siyaasadeed oo weyn, waxa Falastiin loogu ogolaaday in hey’adaha  hoos taga Ururka Xureynta Falastiin ka hawl-gali karaan Quddus, iyo in carruurta ku dhasha ay ka qeyb qaadan karaan codeynta doorashada golaha qaran ee Falastiin.

Heshiiskaas kaddib, Yuhuudda waxa ay bilawday habab dahsoon oo ay kula wareegi karto Qudus, waxa ay kordhisay tirada yuhuudda deegaansaneysa oo ay gaarsiisay 70% halka 30 % ay ku soo uruureen Falastiiniyiinta, kaddib waxa ay si tartiib tartiib ah ku bilaabeen inay kala laabtaan xaqqa degenaashiyaha muwaadiniinta reer Falastiin ee xudduntooda ku aasan tahay magaalada sababo u laabanaya guryo yari iyo burburka dhismooyinka maadaama aan  la siin ruqsadii ay ku dayactiran karaan.

Sanaddii 2000, Madax-weynihii Mareykanka, Bill Clinton ayaa ku fashilmay in miiska wada hadalka uu ku soo celiyo madax-weynihii Falastiin ee xilligaas Yaasir Carrafaat iyo Ehud Barak RW Yahuudda, waxaana dabadeed Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ka billawday rabshado kale.

Sanadkii 2003, Yuhuudda waxa ay daah furtay dhismaha gidaar kala xadeeya labada dhinac oo boqolaal KM ku fadhiya, si ay uga hakato weeraradii naf-hurnimada ee shuhada reer Falastiin, waxaana xilligaas ka gadaal ku kacay beesha caalamka oo si mid ah ugu aragtay gidaarkaas mid xagal daacinaya geedi socodkii nabadda ee labada dhan.

Hayeeshee 2004 Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICG ayaa ku tilmaantay teedka Yuhuudda ay dhisayso mid hareer marsan qaynuunka caalamiga ah, sidoo kale gacan ku heynta Yuhuudda ee qudusta bari iyana tahay mid ka dhan ah sharciga adduunka.

Wixii intaasi ka danbeeyay xaalka labada dhinac waxa uu u dhaxeeyay wada hadal iyo is-qoonsi gacan ka hadal u danbeeya. Sanadba sanad kale ayuu usii dhiibayay, qaddiyadda labada dhinac ee Quds-na  waxa loo aqoonsaday mid cimrisay.

Geesta Falastiiniyiinta, Qudus waxa ay ka tahay boog damqata tallaab walba oo dhankeeda loo qaado, Yuhuuddana waxa ay u aheyd dhawaqa kaliya oo uu ku sasabto ruuxa u taagan hoggaanka Mareykanka, marka aan eegno ballan-qaadyadii Bill Clinton, Jorge Bush iyo Barack Obama iskaba daa Trump oo ka dhabeeyay ballan-qaadkiisii ol’olaha doorasho.

Ilbiriqsi walba oo ay saacadu jarto waxa ay soo gaartay lixdii-kii bishan, waxaana mar qura sida horay loo ogaa kasoo baxay Aqalka Cad meelmarinta qorshihii boqol sano kahor loo dajiyay in Qudus mar ay noqoto caasimadda Yuhuudda.

Balse xaalku waxa uu dhoolla ka qosol u noqday intii ku mideysnayd go’aanka Qudus loogu magacaabay caasimadda Yahuudda markii kulama is xig-xigay oo ay yeesheen waziirrada arrimaha dibadda  Jaamacadda Carabta iyo hoggaamiyaasha dunida Muslimk ay kusoo koobmeen ‘waan cambaareyneynaa qudusta barina waa caasimadda Falastiin.’


Dib-u-raaca Taariikhda Nololeedka Ali Abdalla Saalax – Hoggaamiyihii Halganka dheeraa.

Ali Abdalla Salah
Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo Isniintii ay soo af-jarantay noloshiisa adduunyo, waxa uu ahaa 75 jir 21 Marso 1942 ku dhashay tuulada Baytul Al-ahmar oo hoos timaada deegaanka Sanxaan ee Gobolka Sancaa.

Waxa uu ka dhashay qoys sabool ah, waxa uu ku soo barbaaray nolol halgan ku dhisan ka ddib markii isagoo da’yar kala tageen waalidiintiisa. Bilawgii noloshiisa waxa uu la kawsaday qawsaarnimo, waxa uu ahaa ari jire aan waligii nasiib u yeelan wax-barasho nadaami ah.

Dhamaadkii kontameeyada oo ku samadan 1958 ayuu ku biiray ciidamada Yaman, da’a ahaanna waxa uu jiray 16 sano. Kaddib waxa uu ka mid noqday sanadii 1960-kii dugsiga ciidamada, saddax sano kaddib waxa uu ka qeyb qaatay kacdoonkii Yaman ee September, hayeeshee 1964-tii waxa uu ku biiray dugsiga lagu barto hubka iyo gawaarida gaashaaman si uu ugu gaaroobo dagaalada culus.
Sanadkii 1970 waxa uu ku dhaawacmay dagaal sokeeye oo Yaman ka dillaacay loona kala saftay laba dhinac oo mid ka mid ahi baritaaraysay dawladda Sucuudigga.

Afar sano kaddib dagaalkaas waxa uu ka qeyb qaatay Inqilaab Militari balse sanadii 1975 ayaa loo magacaabay taliyaha Milatariga Magaalada Taciz. Taas oo uu ku kasbaday sumacad ballaaran, waxa uu ku matalay dawladdi la oran jiray Jamhuuriyadda Carabta ee Yaman fagaarayaasha caalamka.

Isla madaxweynihii dawladaas Ibraahim Xamadi iyo walaalkiis ayaa sababo dahsoon loogu shirqoolay 11 Oct ee sanadkii 1977-dii.

Ku xigeenkiisii Axmed Al-Gashami ayaa xilka la wareegay kaas oo isna in ka yar hal sano lagu shirqoolay xafiiskiisa kagadaal markii lagu tuhmay inuu ka danbeeyay dilkii madaxweynihii isaga ka horreeyay.

Cali Cabdalla Saalax oo markaa xubin firfircoon ka ahaa golaha sare ee dawladda ayaa qabtay hogaanka Yamantii la oran jiray Jamhuuriyadda Carabta Yaman Augusto 1978.

Sanad kaddib oo ku beegan 1979-kii ayaa waxa fashilmay isku day Inqilaab oo xilka looga tuuri rabay, wixii waqtigaas ka danbeeyana waxa gabaadsaday Eheladiisa iyo intii aqoonta u saaxiibka aheyd.

Bishii May sanadii 1990-kii waxa uu ku guulaystay inuu la heshiiyo madaxweyniha dawladii iyana la oran jiray Dawladda Yaman ee Dimoqraadiyadda Shacabka. Waxaana madaxweynaha guud ee Yaman loo caleema saaray Cali Cabdalla Saalax halka Cali Saalim Albeidh oo isna dhanka kale madax ka ahaa laga dhigay ku xigeen.

In kasta oo khilaaf labada dhinac dhex-maray dagaal faraha looga gubtay Yaman ka sababay oo loo kala baxay Koofur iyo Waqooyi haddana guusha waxa ay raacday Waqooyiga oo uu hogaaminayay Cali Cabdalla Saalax. Dhammaadkii dagaalka kaddib sanadii 1999 waxa uu si doorasho Madaxtinimo ah ugu guuleystay xilka Madaxweynaha Yaman.

Guushaas waxa ay u aheyd mid taariikhi ah hase ahaatee ma dhexelsiinin deganaan siyaasadeed iyo kursi raaxo, waxa ku furmay mucaarado xoogan, Waqooyiga waxa gadood ka waday Xuutiyiinta hadda soo afjaray waayihiisa dunida, Koofurta waxa ka kacay qolyo leh midawga waxa uu ina duudsiiyay qoondadeenii halka ay birta dhanka kale soofaha ka deyn kooxda Alqaacidda qeybteeda Jaziiratul Carab oo awood muuqata ku lahayd Yaman.

Madaxweyne Saalax dhankiisa isna waxa uu daaqad saaxiibtinimo uga furay Reer Galbeedka siiba Mareykanka taas oo Yaman ka dhigtay goob ay Alqaaciddo u aragtay fursad u furan jihaad, Darooniska Mareykankana u noqotay marin.

Cali Cabdalla Saalax dillaacii gugucii Carabta waxa uu galay liiska hogaamiyaashii Carbeed ee jilbaha u dhigtay kacdoonkii shacabka. Inkasta oo markii danbe ogolaaday isku dayo nabadeed oo ay wadeen dawladaha Khaliij-ka haddana arrintu waxa ay faraha ka baxday June 2011—oo ugu danbeyn sababtay dhaawac soo gaara Mr Saalax isaga oo ku sugan Masjid ku yaal qasriga Madaxtooyada.
9 billood kaddib dhaawicii looga soo daweeyay Sucuudiga waxa billawday habkii looga wareejin lahaa xukunka, waxana Bishii February 2012-kii loo dhiibay Cabdi rabbi Mansuur Haadi Madaxweynaha sharciga ee Iminka.

Wareejinta xukunkiisa kaddib waxa uu noqday laacib kala maareeya siyaasadda Yaman, waxa ku garab noqday Xuutiyiinta, waxa uu tiro dhawr jeer ah u goodiyay Madaxweyne C rabi Mansuur Haadi, waxa uu sidoo kale marar badan canbaareeyay isbaheysiga carabta ee uu horboodayo Sucuudiga isagoo ku sheegay kuwa u adeegsanaya wadanka Hub ay manuuc tahay in la isticmaalo.

Muddo kaddib waxa soo baxay is maandhaaf u dhaxeeya isaga iyo Xuutiyiinta, waxa ay ku eedeeyeen inuu si hoose ula heshiiyay Sucuudiga. Wixii intaas ka danbeeyay waxa bilaabmay canbaareyn labada dhinac hawada isku mariyeen, Hogaamiyaha Xuutiyiinta C Almalik Al-xuutii ayaa mar ku dhawaaqay ineysan natiija kasoo bixi Karin heshiis walba oo dhex mara Cadawgooda, hase yeeshee waxa ka war celiyay Mr Saalax oo dhankiisa sheegay inuu soo afjarayo wadaagii uu la ahaa Xuutiyiinta islamarkaana bog cusub la furanayo isbaheysiga Sucuudiga.

Isbaheysiga aad ayuu u soo dhaweeyay wada hadal uu la qaato Cali Cabdalla Saalax, balse Xuutiyiinta oo u arkay inuu madax mas ku qoob ka cayaarayo ayaa weerar ku ekeeyay kolonyo uu la socday, waxa ayna guul taariikhi ku tilmaameen soo afjaridda cimrigiisa 75 sano kaddib Eebe ka sokow.

Saturday, December 16, 2017

La kulankaygii Mama Asli Calanside.

                 Maama-Asli & Ismail-Zeema 
Galab gaabad casir liiq ah ayay aheyd markii aan fool-ka-fool isku aragnay aniga iyo Asli Calanside oo ku dhawaad saddex toddobaad aan ku howlanaa la kulankeeda, Axmed Cabaade oo la dhashay Asli ayaa ahaa isku xiraha labadeenna in kasta oo uusan inala joogin galabkaas.

Maqal iyo muuq aan warbaahinta nuucyadeeda kala duwan dhaafsiisnayn ayaan ka garanayay Asli iyo taariikh ahaan inay tahay gabadhii Africa iyo Carabta ugu horreysay ee xirata darajada Kabtanka ‘Captain’ ee duuliya-nimada.

Mid kamid ah hoteellada Muqdisho ayuu ka dhacay kulankeenna. Ujeedku waxa uu yahay in aan ku waraysto barnaamijka Raadreeb oo ka baxa Idaacadda Himilo ‘dhaxalna looga reebo hal-doorka bulshadeenna’.

Rag ay da’adoodu ka weyn tahay 50-jir aanse sixi karin sanad aan ku qiyaaso ayay la fadhisay barxadda hotelka, durbaba markii aan dul tagay dhoolla caddeyn, salaan iyo xaal wareysi ayay igu bilowday dabadeedna iga codsatay in aan gudaha u dhaafo oo aan ku sugo salootada ‘fadhiga’.

Dhowr daqiiqo kadibna waa ay ii timid oo si ka qurux badan sidii hore ayay igu qaabishay.

Maqrib ayaa soo dhawaa xoogaa sheeko ah kadib, waxaan u sharraxay habka iyo daqiiqadaha uu qaadan karo wareysiga. Waxa ay ii sheegtay inay af-xirantahay ‘soon sunno ah’, waxaan ka codsaday Salaadda iyo Afurka kadib in uu noqdo wareysigeenna islamarkaana waqti diyaar-garaw ah ay qaadato; weyna iga aqbashay.

Maqribka ka dib

Laga bilaabo qeybtaan qoraalkeyga waxa aan ku adeegsan doonaa Maama Asli oo aan uga gol-leeyahay muujinta heerka ay ka taagan tahay aqoonta duuliya-nimada marka la barbar dhiggo hal-doorka dumarkeenna.

Maama Asli magaceeda oo dhameystiran waa ‘Asli Xasan Cabaade’, dhalashadeeda waa 1 January sanaddii 1958, waa duuliye sare oo ka tirsanayd Taliska Ciidanka Cirka ee Xukuumaddii Kacaanka; waa dhaqtarad cudurrada guud ku gaarowday; waa daaci diinta Islaamka ku soo dartay 13 ruux.

Dhowr luqadood ayay ku hadashaa sida; Italy, Arabic, English, French, Germany oo ay sii dheer tahay luqadda Hooyo. Waa u dhaq-dhaqaaqe arrimaha bulshada oo madax u ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka ay ka degan tahay Maraykanka. Waa bare soo saaray  duuliyaal la shaqeeya shirkadaha ugu waaweyn dhanka duulimaadka dalalkooda. Waa gabadhii ugu horreysay ee huwata calanka Soomaaliyeed burburkii kadib; jeer ay adkeyd in lasoo muujiyo ayayna ku kasbatay naaneysta ah Asli Calanside.

Waxa ay ii sheegtay inay af-u-tahay dhammaan inta caawinta weydiisata halka ay kaga nooshahay Maraykanka, aadna ay isku garab taagto dhallinyarada taas oo aan xaqiiqsaday markii ay ila wadaagtay inay dartay u baajisay kulan ay la lahayd madaxda ciidamada cirka.

Saacad wareysiya kaddib waxa inoo bilowday sheeko dheer oo qaadatay in aan ka yarayn waqtigii wareysiga, dhiirri-gelin, waano, wacdi iyo dardaaran ayuuna warkeennu u badnaa oo dhanka Maama Asli iiga imaanayay taas oo igu qasabtay in aan ka sameeyo maqaalkaan marka laga taggo xogtii aan ugu tala-galay barnaamijka.

Waxay ii sheegtay badi waqtigeeda inay jeceshahay kaligeed inay qaadato si ay uga dheeraato fadhi-ku-dirirka caadada u noqday dadka qaar. “Masaajidda oo kale ayaan jeclahay in aan ku cibaadaysto waana dhibsadaa marka aan waayo masjid aan lahayn goob dumarku ku tukadaan,” ayay ii raacisay.

“Carabta iyo ajaanibta aan iskula noolnahay gobolka aan ka deganahay Maraykanka waa isoo wargeliyaan marka ay arkaan qof u jilcan diinta Islaamka si aan ugu dhiirri-geliyo inuu soo Islaamo,” ayay mar kale warkeeda iigu soo dartay iyada oo ii muujinaysa in dacwada aysan xilli u lahayn.

Maama Asli dhanka saxaafadda mar aan isla soo hadal qaadnay aad ayay u amaantay dhalinta mar walbaa ku howlan u shaqeynta bulshada, ‘waan ku faraxsanahay dhallinyarada quruxda badan, firfircoon  haddana howlkarka ah.’ ayay si qiirro leh igu tiri.‘Marar badan ayaan ka murgay ugaarsiga lagu hayo saxaafadda, murug aan la qiyaasi karin ayaan dareemayay marka aan arko saxafi la dilay ama la dhaawacay balse Alle mahaddii dhawaanahaan ma maqal oo Eebe ayaa dhankiinna ka wareejiyay seefta oo dhoolla-caddeyna ku laran-tahay ayay dhankaa iigu soo af xirtay.

Horumarka dalka ayay ii bogaadisay, muuqaalka magaalada ayay aad iigu amaantay, dhowr dhismo oo Muqdisho ku yaalla ayay i weydiisay waxaana ugu caansanaa Cusbitaalka Xoogga, Warshaddii Caanaha iyo Cusbitaalka Digfeer oo hadda loogu magac daray ‘Recep Tayyip Erdoğan’  kaddib dayac-tirkii Turkiga, mid walbana sida uu yahay iminka ayaan ugu warceliyay waxa ayna iigu soo gabagabaysay inay mar inta aysan bixin booqan doonto Digfeer si ay xaaladdiisa u qiimeyso oo ay socdaalkeeda kan xiga u keento taqaatiir caddaan ah oo ay bilaash kuwada daweeyaan bukaannada Soomaaliyeed.

Maama Asli  waxa ay tiri; “Marka aan dalka banaanka uga maqannahay, waa inaloo war xumeeyaa, magaalada leyskuma halleyn karo amnigeeda, bilicdeeda ma qurxoona iyo dhimashada ayaa ka dhaw, hase ahaatee, waxaan kula taliyaa dadka sidaas aaminsan in dal walbaa ay dhistaan dadkiisa, loona baahan yahay in Soomaalidu ay dalkooda bilicdiisa uga shaqeeyaan sida ay u qurxiyeen Islii ‘East light’ iyo Miniyaabulis ‘Minneapolis’ oo ku kala yaalla Kenya iyo Maraykanka.

Gunaanad

Farxad gaar ah ayay ii aheyd la kulanka Maama Asli oo aan rumeysannahay shaqadii aan ugu tagay iyo macluumaadka faraha badan oo ay igu kordhisay inay kala badan yihiin. Waa dhif iyo naadir in ruux aad wareysanayso uu kuu oggolaado waqti ka badan kii shaqada si uu kuugu kordhiyo xog la xiriirta waaya-aragnimadiisa iyo dardaaran maanta iyo berittaba.

‘Maama casheey, shaah iyo biyo midkood cab iyo erayo kale oo muujinaya naxariista maama-nimo ayay iigu soo gabagabaysay sheekadii aan dareemin waqtiga ay qaadatay, in kasta oo aan intaba ka cudurdaartay haddana iyada oo ka wal-walsan xilliga oo habeen ahaa ayay i keentay illinka hore ee hoteelka. Maama mahadsanid iyo Maamo waan ku faraxsanahay wareysiga aad iga qaaday ayuuna ku soo idlaaday kulankeenna

Ma dhabbaa in Muuska laga qaado caafimaad-darro?!

Sawirkaan waxa leh Google
Muuska ‘Banana’ waa mid ka mid ah dalaga ugu muhiimsan qudaarta, waxa uu kaalin lixaad leh  kaga jiraa dhaqaalaha dhowr dal oo kamid ah dunida, tiiyoo ugu wacan tahay qiimaha sare ee uu kaga jiro cunnada, xawliga isticmaalkiisa iyo dhadhanka uu ku laran yahay macaanka uuna kaga gedisan yahay qudaarta kale.

Waa dhame sanadka xilliyadiisa kala duwan laga helo suuqyada caalamka, taas oo ay sii dheer tahay inuu ka mid yahay miraha ku wanaagsan daabulidda iyo keydinta.

Tilmaam ahaan, uma baxo geed ahaan sida ay dad badani moodaan, taa badelkeeda waxa uu ka tirsan yahay dhirta nuuca ramaaska loo yaqaan.

Tarantiisu waxa ay ku habboon tahay dhulka leh carrasan bacriminta ku wanaagsan, jeer Soomaaliya ay hoggaamineyso dalalka uu aadka uga baxo, waxaana liiska hore inagula jira dalal carbeed sida Mauritania iyo Sudan.

Gobollada uu caanka ku yahay dalkeenna waa gobalka Sh/Hoose degmadiisa Afgooye; gobalka J/Hoose magaaladiisa Jamaame; iyo Jilib oo iyana ka mid ah degmooyinka gobalka J/Dhexe.  Waana iska caadi sidoo kale inuu ka baxo gobollada ay webiyadu maraan.

Soomaalida qaar waxa ka dhaadhacday fikradda ah in muusku halis ku yahay caafimaadka islamarkaana laga qaado gooryaan ‘worm’. Balse sheekadaas lama hayo asalkeeda halka ay uga timid Soomaalida walow dadka qaar ay sheegaan in gumeystihii oo doonaya baabi’inta jaceylkii muuska loo qabay uu fidiyay. Waxaana taas xoojin kara sida gumeystihii heystay koofurta ee Talyaanigu u jeclaa muuska ugana ganacsan jiray isaga oo u yaqiin ‘Banana Jaalle’.

Qarnigii dhamaaday dabayaaqadiisa, waxa iyana jirtay been abuur baahay oo uu fidiyay majaajilistaha caanka ah  ee reer Britain “Karl Pilkington”. Waxa uuna sheegay muuska in halis caafimaad uu leeyahay, qatar dhimasho ahna aad galayso haddii aad lix xabo ka cunto.

Balse fikradaas waxa cagta mariyay khubarada xagga cuntada sida Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London, oo dabool qaaday in muuska ay ku badan tahay macdanta Potassium, oo jirka bini’aadamka u baahan yahay islamarkaana wax badan ka tarta wada-shaqaynta qeybaha kala duwan ee jirka. Sidoo kalene waxa laga helaa carbohydrate iyo aashitooyin jirka faa’iido u leh.

Si kale haddii aan u dhigno, lama yareysan karo faa’iidooyinka caafimaad ee uu muuska leeyahay, waxaana tusaale u ah sida uu dawo ugu yahay xanuunnada asiiba dheef-shiidka iyo kahor-tagga cudurro uu ka mid yahay Kansarka ‘Cancer’ tiiyoo sii dheer tahay inuu la dagaalamo gabawga.

Awood siinta jirka, ka hortagga Calool-fadhiga, xoojinta habka difaaca jirka, isku dheelli-tirka miisaanka, iyo dhowridda bad-qabka wadnaha iyana waa faa’iidooyin kale oo lama dhaafaan u ah qofka joogteysta ama badsada cunista muuska. Ka dheregsanaanta fahamka faa’iidooyinkiisana, waxa ay dunida qaar beri ka dhigtay in dadka la qadariyo sida Faylosuufiinta ‘Philosophers’ loo gaar yeelo. Balse dunida maanta ayaad moodaa iney wada fahmeen oo uu ka mid yahay cunnooyinka mideeya sabool iyo hodan.

Dawladaha ku horreeya dhoofintiisa dunidan casriga ah waxa hor boodaya India, China, Filipina iyo Brazil, halka ay liiska tobanka dawladood ee ugu horreysa kula jiraan Ecuador, Indonesia, Tanzania iyo Costa Rica. Waxaana ka dhicin oo afjarka tirada noqday dalalka Thailand iyo Mexico.

Hubaal Somalia ineysan ka maqnaateen liiska murqa-weynta dhoofisa muuska haddii uusan qaran-jab ku dhicin, shirkaddii dhoofinta muuska ee Somali Fruit-na ay sii laballaabi laheyd u dhoofintiisa dalalka Carabta iyo Yurub. Hase ahaatee, marnaanta siyaasadeed ee uu dalku galay ayaa inoo diiday hankaas, inkasta oo 22 sano kadib burburkii dalka oo ku asteysan 2012 laga hir-geliyay wadanka shirkad madax bannaan oo dhoofisa muuska laguna magacaabo Fruit Som. Waxaana sees dhigga shirkadda lug ku lahaa beeraleyda gobalka Shabeellada Hoose.


Tanina waxa ay dhiirri-gelin iyo ku dhiirrasho u noqon kartaa shacabkeenna oo sida dalalka loo iib-geeyo u daneynayaan kala dhex bixi kara heerka ay la’eg tahay faa’iidada iyo caafimaadka uu sito, kuna iloobi kara aragtida qaldan ee oranaysa muuska waxa laga qaadaa caafimaad darro.