Dhacdada ugu weyn kubadda
cagta oo ah ciyaar dhamaadka koobka aduunka uu agaasimo xiriirka caalamiga ah
ee kubadda cagta ee FIFA, ayaa waxa isaga hor imaanaya xulalka France &
Croatia.
Waa tartan xilliyeed afartii
sanaba mar la qabto tan iyo 1930-kii, keliya marka laga reebo sanadihii 1942,
1946, oo dagaalkii labaad ee dunida awgiis aan loo qaban.
Xulka Jarmalka ayaa ah geesiga
tartankaan ka hor 8 fiidnimo ee caawa oo ay kala cadaan doonto cidda kala
wareegeysa kursi sharafeedkaas sanadaan 2018.
Caadiyan ciyaartu waa 90
daqiiqo oo loo kala jaray min 45 daqiiqo, waxaana u dhaxeeya 15 daqiiqo oo
nasiinno ah, tiiyoo dhici karto in ciyaarta leysku mari waayo xattaa
daqiiqadaha beer darrada ah, markaas oo loo baahdo waqti dheeraad ah oo isna
haddii leysku mari waayo sheekadu ku soo biyo shubato gool ku laad.
Hase ahaatee mar ayay
dhacday in aysan ciyaarta kama danbeysta ahi sidaas noqon waana sanaddii 1950,
xiliigaas tartanka waxa isugu soo haray 4 xul oo kolkii danbe Uruguay loo
gartay iney hanato madaama ay dhibcaha ugu badan ay uruursatay.
20-kii tartan ee la qabtay
taariikhda koobka aduunka sanadan ka hor waxaa ka qeyb galay 76 dawlad, waxa guula ka
xaqiijiyay 8 dal keliya, waxaana hogaaminaya Xulka Brazil oo hantay 5 ka mid
ah, halka xulalka Italy iyo Germany iyana min 4 ayay kala xigsadeen.
Italy ayay iyana micno kale
uga dhigantahay iney keli ku tahay laba jeer oo xiriir ah in la qaado dhacdo
kubadeedkaa aduunka waana sanadihii 1934—1938 ka hor inta aysan Brazil sidaas
oo kale sameyn bartamihii qarnigii tagay; jeer Hollanna ay 3 jeer keli ku tahay
imaanshiyaha ciyaar dhamaadka wallaw aysan weli qaadin koobkaan.
Aan xoogaa yare jaleecno
geesiyada sidan oo kale isugu yimid ciyaar dhamaadka koobka aduunka tan iyo
billawgii qabsoomiddiisa.
1930-kii, waxaa heerkaan
isla yimid xulalka Uruguay iyo Argentina, 4—2 waxa ay guusha ku raacday Uruguay
oo dalkeeda lagu marti geliyay.
1934-kii, waxaa Finalka
isla tiigsaday xulalka Italy iyo Czechoslovakia, ciyaar waqti dheeriya leysla
tagay waxa 2—1 koobka kula hoyday marti geliyaashii sanadkaas ee Italy.
1938-kii, Italy ayaa mar
kale timid ciyaar dhamaadka, waxaana kula mideysnaa Hungary, Ciyaar Paris-
France ka dhacday waxaa 4—2 ku labeystay
Italy.
1950-kii, Uruguay ayaa mar
kale labeysatay, waana labada mar oo ay taariikhda koobkaan heshay.
1954-kii, Jarmalkii galbeed
iyo Hungary ayaa isugu yimid Finalka, Switzerland kulankii ka dhacay waxa mar
kale halkaa niyad jab kala tagay Hungry oo lagu garaacay 3—2.
1958-kii, Brazil ayaa aheyd
marti geliyaashii sanadkaas oo Sweden ku tuntay gurigooda ciyaar ku soo idlatay
5-2.
1962-kii, Brazil iyo
Czechoslovakia ayaa isugu yimid
Magaalada Santiago ee Dalka Chile, Brazil ayaa ku labeystay markii ay ku
dhamaatay ciyaarta 3—1.
1966-kii, Ingiriiska iyo
Jarmalkii galbeed ayaa isugu yimid, waxaana Ingiriisku markaas ku garaacay ciyaar
waqti dheeraad ah leysla aaday 4—2, isagoo ka faa’ideysanaya marti gelintiisii
sanadkaas, waana marka qura ee taariikhda koobkaan loo hayo.
1970-kii, Brazil iyo Italy
ayaa ku kulmay dalka Mexico, 4—1 waxaa looga adkaaday Italy.
1974-kii, Jarmalkii galbeed
iyo Holland ayaa isla yimid ciyaar dhamaadka, Marti gelintiisa si wanaagsan
ayuu uga faa’ideystay Jarmalka 2—1 ayaa looga badiyay Holland.
1978-kii, Argentina iyo
Holland ayaa isla soo tiigsaday Finalka, Argentina oo markaas marti gelineysay
ayaa ciyaar bar-baro 1—1 ah leyska dhaafi waayay balse waqti dheeriya lagu
daray kaga badisay 3—1 waddanka Holland.
1982-kii, Italay ayaa ku
qaraar baxday Jarmalkii galbeed, 3—1 ayayna ku garaacday ciyaar ka dhacday
Magaalada Madrid ee Dalka Spain.
1986-kii, Argentina ayaa
3—2 kaga adkaatay Jarmalkii galbeed oo markaas la loodin la’aa, waxana markii
labaad marti geliyay Finalkaas Mexico.
1990-ka, Jarmalka galbeed
ayaa ka aarsaday Argentiina oo kaga badiyay 1—0 ciyaartii ka dhacday Italy.
1994-kii, Brazil iyo Italy
ayaa markoodii labaad isku qabtay ciyaar dhamaadka koobka aduunka, Sagaashankii
daqiiqo ee ciyaarta iyo waqtigii dheeriga ahaa waxay ku kala tageen 1—1, balse
3—2 waxa gool ku laad ku badiyay Brazil.
1998-kii, France iyo Brazil
ayaa ciyaar dhamaadka ku wada dheelay Faransiiska, reer Paris waxay muujiyeen
in dalkooda la joogo, waxayna ku dhamaatay 3—0 oo uu koobka la hoyday
Faransiiska.
2002-dii, Brazil iyo
Germany ayaa foodda is daray, Japan ciyaartii ka dhacday 2—0 waxa koobkii ku
qaaday xulka Brazil.
2006-dii, France iyo Italy
ayaa isla tiigsaday ciyaarta kama danbeysta, Waqti dheeriya kaddib, Talyaaniga
ayaa 5—3 gool ku laad ahaa waxa uu koobka keenay Roma, isagoo kala yimid
Barlin.
2010-kii, Spain iyo Holland
ayaa noqday geesiyaasha sanadkaas, hase ahaatee soddonkii daqiiqo ee dheeraadka
intii lagu guda jiray ayay Spain hoggaanka qabatay, 1—0 taas ayayna Spain ku
noqotay horyaalka dunida sanadkaas.
2014-kii, Jarmalka iyo
Argentina oo kuwada ciyaaray Brazil waxay isla dhaafi waayeen bar-baro, balse
waqtigii dheeriga kaddib Jarmalka ayaa ku badiyay 1—0, waxayna sidaas ku yihiin
geesiyaasha sideeda fiidnimo ee caawa ka hor inta Croatia iyo France midkood
loo caleema saarin horyaalka dunida.
Kulaan kama danbeysta ah ayaa
noqonaya kii 21 ee koobka aduunka, waxana
uu ka dhacayaa Magaalada Moscow ee xaruunta Dalka ruuska, Sida la qorsheynayana
daawadayaasha dunida ka sokow Aqalka looga arimiyo ruushka ee Karamaliinka waxa
uu ku dhawaaqay in ay soo xaadiri doonaan 14 hoggaamiye oo ka mid ah kuwa
caalamka.
Waxa ugu horreeya
Madaxweynaha Armenia, Madaxweynaha Belarus, Re’iisulwasaaraha Hungary, Madaxweynaha
Gabon, Amiirka Qadar, Reysulwasaaraha Kyrgyzstan, Madaxweynaha Moldova, Madaxweynaha
Palestine iyo kuwa kale.
Sida la qorsheynayo
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo isna goobta imanaya ayaa ka qeyb qaadan
doona billad bixinta xulalka.
Layliyaasha labada dhinac
ayaa mid walba muujiyay rajada uu ka
qabo inuu isaga la hoydo koobka, balse is wediinta ayaa ah ma France oo ka mid
ah 5 xul ee loo saadaalinayay Koobka ka hor bilaabashadiisa ayaa ka dhabeyn
doona mise Croatia oo aan weligeed qaadin ayaa bar-bareyn doonta Faranca marka
la eego hanashada koobkaan.