Saturday, July 20, 2019

Dhacdooyinkii diiwaanka galay kaddib guushii Algeria ee AFCON 2019

Google amage
Xulka Qaranka Algeria ayaa hal gool oo ay sii taabasho isaga dhaliyeen Senegal ku qaaday koobka qaramada afrika ee (AFCON 2019).

Qeybtii hore waxaa badnaa qaladaadka  cayaarta  ,xiddigaha Senegal ayaa maamulka kubadda ku badnaa, waxa ayna gaarayeen heerka kubad heysashada 62%, balse waxaa loo diiday in ay gool keliya la yimaadaan.

Daqiiqaddii labaadee cayaarta  xiddiga kooxda Al Sadd SC ee dalka Qatar ayaa hogaanka siiyay xulkiisa Algeria kaddib markii uu laad uu riday sii taabtay daafac ka tirsan segegal.

Qeybta labaad Senegal ayaa sameysay isku dayo badan oo ay doonayeen in  ay ku keenaan goolka barbar dhaca, waxaana daqiiqaddii 62-aad uu garsooraha u dhigay rigoore  balse markii uu dib uu eegay Aaladda garsoor caawiyaha ee (VAR) ayuu ka laabtay go`aankiisa.

Algeria waxa ay qeybta labaad ciyaareysay kubad rogaal celis ah xilli  daafac ahaan ay wacnaayeen, waxaana xusid mudan  in xulka  S. Mane ay mudnaayeen in ay natiijada wax ka  beddalaan marka la eego hanaan ciyaareedkooda oo aad u wanaagsanaay.

Waa markii labaad  taariikhda oo ay Algeria ku guuleysanayso koobka qaramada afrika iyadoo markii ugu horreysay oo ay qaadaan aheyd sanadkii 1990.

Senegal  ayaana cayaaray markoodii labaad ee koobka Africa Cup of Nations final-kiisa kaddib sanadkii 2002-dii cayaar barbaro 0-0 ah ku idlaatay oo waqti dheeri ah la isla aaday, balse 2-3 Rigoorayaal ay ku garaacday Cameroon oo koobka hanatay.

Goolhayaha Algeria Rais M’Bolhi  ayaa loo magacaabay (Man of the Match) xiddiga ugu fiicnaa Cayaartii final-ka  kaddib markii uu shabaqiisa ilaashaday shan jeer  tartankaan.

Dhanka kale, saaxiibkiisa Ismael Bennacer ayaa loo magacaabay cayaaryahanka tartanka, sida uu ku dhawaaqay xiriirka kubadda cagta afrika ee (CAF).

Weeraryahanka reer Nigeria Odion Ighalo ayaa ku guuleystay kabaha dahabka markii uu noqday  gool-dhaliyaha ugu sarreeya - ka dib markii uu ku dhammeystay tartanka isagoo shan gool leh.

Guusha Algeria waxa ay ka dhigantahay in markii 12-aad ayaa qaadayaan xulalka waqooyiga afrika dhaca ee Carabta, 7 Masar ah, 2 Algeria ah halka min marna ay wada qeybsadeen dalalka Sudan, Morocco iyo Tunisia.

Geesta kale, Nigeria  ayaa noqotay xulka ugu badan kaalinta seddaxaad ee Africa Cup of Nation, iyadoo loo diiwaan geliyay siddeed jeer.

29 sano kaddib ayay Algeria oo uu hogaaminayo caga dahab Riyad Mahrez loo xareeyay koobkeedii labaad oo AFCON ah, iyada oo ay taasi ka dhigantahay in tan iyo 2010-kii xul carab ahi booskaas ka maqnaa.

Algeria ayaa casharka kale ee loo diiwaan geliyay waxa uu yahay in ay tahay xulka afaraad - ahna kan keliya ee laba mar sidaas sameeya - ee qaata koobka isagoo badiyay dhammaan kulamadii uu soo cayaaray, waxa horey ugu dhignaa taariikhda Ghana sanaddii 1965-tii, Cameroon 2002-dii, Egypt 2010-kii iyo isla Algeria 1990-kii.

Djamel Belmadi, Layliyaha Algeria ayaa isna diiwaanka ku galay inuu yahay tababarihii lixaad oo carab ku heeb sheegta ahna kii labaad oo Algerian ah oo gacanta ku dhiga koobkaan.


Ugu danbeyn AFCON 2019, oo ahaa kii 32-aad taariikhda tartankaan ayay Algeria xalay buuxisay tirada 20-ka – xulalka ku qaaday koobka meel ka baxsan gurigooda. 

Friday, July 19, 2019

Senegal vs Algeria - Xogta ugu mudan cayaar dhammaadka AFCON 2019

Cairo International Stadium
Jammaahiirta kubadda cagta sida dhaw ula socda ayaa caawa isha ku haysa garoonka weyn ee Cairo International, halkaas oo ay ku madalsanyihiin xulalka awoodda ku yimid cayaar dhammaadka AFCON 2019 ee Senegal iyo Algeria.

Labada tababare ee Aliou Cissé iyo Djamel Belmadi ayaa mid walbaahi xusul duub ugu jiraa sidii uu sooyaal cusub u diiwaan gashan lahaa, magaca koobkana dalka uu wakiilka ka yahay loogu qori lahaa wallow layliyaha Senegal uu weyn doono daafac dhexehiisa birta ah islamarkaan ah kan ugu fiican waqti xaadirkaan afrika ee Kalidou Koulibaly - kaas oo ay isu dul koreen calaamadaha hurdiga ah ee ganaaxa.

Algeria oo ku duuleysa hogaamiyahooda - wiilka heysta Premier League fasal cayaareedkii la soo dhaafay - dadabka midigna kaga cayaara Man City ee Riyad Mahrez ayaa fiidda sare laaceysa markeedii labaad kaddib 1990-kii oo ay noqotay horyaalka afrika.

Waxayse Sinigaaliyiintu dhaayaha ku hayaan geesigooda xagaagii la soo dhaafay is-daba dhigay naadiyadii magaca ku lahaa qaaradda Yurub, gacantana ku dhigay UEFA Champions League ee Sadio Mané - kaas oo markoodii ugu horreysa gacanta u saari kara Africa Cup of Nations, kagadaal guul darradii soo gaartay sanaddii 2002-dii oo ay Cameroon ku garaacday gool ku laad 3-2 ahaa cayaar ka dhacday wadankii xilligaas marti gelinayay ee Mali.

Labada xul ayaa ka soo wada baxay Group-C, kulankoodii kan ka horreeyana waxa ay guusha raacday Algeria oo kaga badisay Senegal gool iyo waxba', waxa ayna kaga mahad celinayaan guushaas cayaaryahankooda Youcef Belaili.

Aljeeriyiintu waxa ay leeyihiin mar kale ayaan garaaci karnaa Senegal hase ahaatee Sinigaaliyiinta ayaa u arka iney fursadani tahay tii ay ku aar gudan lahaayeen.

Labada tababare
Layliyaha Algeria 'Djamel Belmadi' oo ka hadlay cayaarta ayaa yiri "Waxa iska cad mar haddii aad soo gaarto cayaar dhammaadka in ujeeddada ugu weyn ee aad leedahay ay tahay keliya guul, go'aan laguma qaadan karo kulankii group-yada balse waa farqiga inoo dhaxeeya".

Tababaraha Senegal 'Aliou Cissé' oo ah kii gool ku laadkii uu khasaariyay Cameroon guusha ku raacday sanaddii 2002-da Dhankiisa waa uu hadlay waxa uuna yiri " Guuldarradeydii 2002-da weli kama aysan bixin maankeyga, waa waxa igu dhaliyay inaan noqdo layliyaha xulka islamarkaana awoodda ii siiyay inaan Senegal ku hogaamiyo cayaar dhammaadka AFCON 2019, waxaan u sheegay cayaartoyda iney la yimaadaan waxqabad ka wanaagsan jiilkeyga".
Intaa ayuu sii raaciyay in Algeria ay tahay xul wanaagsan oo uu ixtiraamayo balse qorshahooda iminka yahay guul iyo koob.

Gunaanad

Tartanka qaramada afrika ee caawa lagu wado gunaanadkiisa  inuu ka dhaco dalka waqooyiga afrika dhaca ee Masar, waa kii 32-aad tan iyo inta la bilaabay 62 sano ka hor oo ku suntan1957.

Tan iyo waagaas 11 ka mid ah waxa ku guuleystay dalalka Waqooyiga Afrika dhaca ee Carabta, halka inta soo hartay ay guusha dhankooda tahay africada madaw.

Algeria ayaa taagan cayaar dhammaadka AFCON markeedii seddexaad taariikhda, Mar qura ayay horay ugu guuleysatay marna waa laga qaaday halka markeeda seddaxaad dacalka ku dhagantahay koobka oo ay dooneyso iney la hoyoto.

Senegal ayay u tahay markeedii labaad oo ay heerkaan soo gaareyso, markii koowaad waxa ay aheyd sanaddii 2002-dii, Cameroon ayaa ku garaacday gool ku laad 3-2 ahaa cayaar ka dhacday Mali, balse markaan ayay ku mitideysaa sidii magaceeda loogu qori lahaa AFCON 2019.

Koobkaan oo uu soo agaasimo xiriirka kubadda cagta qaaradda africa ee CAF, ayaa sanaddaan waxa ka qeyb galayay 24 xul markii ugu horreysay - maadaama dhawrkii sano ee la soo dhaafay tiradu aheyd 16 xul keliya.

Garoonka caawa lagu qabanayo cayaarta kama danbeysta ah ee AFCON 2019 waa Cairo International Stadium oo la daah furay 23 July sanaddii 1960, Waxa uu qaadkiisu yahay 75,000, waxa uuna ku yaalaa magaalada Qaahira ee xaruunta dalka Masar.







Friday, June 21, 2019

Marti geliyaasha AFCON 2019 oo caawa daah furka wajahaya Zimbabwe

AFCON 2019
Tartanka qaramada afrika ayaa caawa lagu wadaa inuu ka farmo dalka waqooyiga afrika dhaca ee Masar, waa kii 32-aad tan iyo inta la bilaabay 62 sano ka hor oo ku suntan1957.

Koobkaan oo uu soo agaasimo xiriirka kubadda cagta qaaradda africa ee CAF, ayaa sanaddaan waxa ka qeyb gali doona 24 xul markii ugu horreysay - maadaama dhawrkii sano ee la soo dhaafay tiradu aheyd 16 xul keliya.

Cimilada dalka Masar oo kulul darteed waxa la qorsheeyay in kulankiiba labo jeer nasiino la aado, waa mid ka mid ah waxyaabaha kale ee ku cusub AFCON 2019 - tiiyoo la sii raaciyay in la isticmaali doono aaladda garsoor caawiyaha ee VAR.

Masar ayaa si heer sare ah isugu diyaarisay martigelinta koobkaan iyadoo diyaar gareysay lix garoon kubadeed oo afar magaalo ku kala yaal, Cairo International Stadium iyo 30 June Stadium oo ku yaala caasimadda dalkaas ee Cairo, Alexandria Stadium oo ku yaal magaalada Alexandria, Suez Stadium oo dhaca Suez, Ismailia Stadium oo isna ku yaal Ismailia and Al Masry Club Stadium oo magaalada Port Said dhaca.

AFCON 2019
Marti geliyaasha sanadkaan ayaa kulanka ugu horreeya wajihi doona xulka Zimbabwe, saacaddu markey tahay kaw iyo tobanka fiidnimo ee caawa (11:00pm), waxaana garoonka daah furka loo caleema saaray Cairo International Stadium.

Shax adag ayay labada xulba durba soo bandhigeen inkastoo laga yaabo daqiiqadaha ugu danbeeya iney is bedesho;

Haddii aan ku hormarno Egypt, waxa si hordhac ah kulanka caawa magacaaban El Shanawy; Elmohamady, Alaa, Hegazi, Ahsraf; Hamed, Elneny; Salah, Warda, Hassan; Mohsen
Halka Zimbabwe iyana aysan ka liidan oo ay hordhac usoo magacawday Sibanda, Mudimu, Phiri, Lunga, Billiat, Musona, Nakamba, Mushekwi, Karuru, Hadebe, Darikwa.

Taariikh ahaan marka la eego labada xul waxa ku fac weyn tartankaan xulka Masar oo ah kan ugu guulaha badan AFCON, waxa uuna hantay toddobo jeer oo ay ugu danbeysay sanaddii 2010, oo sidaan oo kale lagu qabtay dalkaan balse waxa difaacanaya sanadkaan Cameroon oo hanatay kii ugu danbeeyay ee 2017.

Taaba gelinta AFCON 2019, Waa shirkadda Total taas oo ah sababta loogu magac daray tartankaan Total 2019 Africa Cup of Nations.

Xafladda furitaanka waxa lagu marti qaaday Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha kubadda cagta aduunka ee FIFA iyo fanaaniin caan ah oo qaaradda laga yaqaan sida fanaanka reer Nigeria ee Femi Anikulapo-Kuti.

AFCON 2019
Inkastoo hanashada koobkaan ay u wada siman yihiin 24-ka xul ee kawada qeyb galaya haddana xulka uu hogaaminayo Mo Salah – dalkiisana lagu marti gelinayo ee Masar ayay lafagurayaasha kubadda cagta u saadaalinayaan AFCON 2019.


Daqiiqadaha ugu danbeeya ee tartankaan la cayaari doono sida ay CAF qorsheysay waa 19 bisha ina soo aadan ee July, waana madasha lagu ogaan doono cidda loo surayo taajka TOTAL AFCON 2019. 

Wednesday, August 1, 2018

Baraha Bulshada oo isku bedelay Fadhi-ku-dirirka Casriga !!

Google image
Madaxdeena maskaxdooda ayaa notebook u ah! Marka ka daaya mashquulka ragaan dantooda ha wataane; inaguna marqaatiyaal baynu kanahay xalkaas! Anaguna ficilkeenu ha ahaado Fadhi-ku-dirir.

Oraahdaasi waa mid kamid ah dhowr faallo oo laga bixiyay sawir muujinaya madax Soomaaliyeed oo la shirsan ergo ku suganeed shir caalami ah oo lagu qabtay dalka Belgium-ka.

Mid kale ayaa kusoo aragti dhiibanaya: raggaas dadka ka sugaya hoggaan iyo dowlad ayaa meel cidlo ah fadhiya waa rag ka fikiraya nin walba wuxu laqi lahaa; waxaana cadeyn kuu ah waxa loo aqrinayo miiska ayay uga soo tagayaan laakiin wixii qarash ah way soo qaadanayaan.

Dhowr aragtiyo kala duwan ah ayaa laga bixiyay sawirkan kuwaas oo badigood aan u muuqan kuwa beeri kara toosin iyo wax sixid, balse jid u furayay dhaleeceyn iyo meel-ka-dhac shaqsiyadeed oo lagala dul-dhaco dadka maqaam ahaan bulshada ku matala xilal muhiim ah.

Malada fiican waa cashar u dhiman in loo dhigo kumaanka kun ee ku xiran baraha bulshada kuwaa oo wixii lasoo hor-dhigaba si laab-kaca xukun degdeg ah ugu rida. Mararka qaar, intooda badan waxay si kalsooni leh ugu dhiirradaan inay mad-harka ka qiimeeyaan uur aysan gudihiisa ogaal u lahayn.

Nasiib-darro, kani ma ahan dhacdada kaliya ee mar la’arag ku ah baraha bulshada. Waxaa jira dhowr sheekooyin qofeed ku saabsan shaqsiyaad maqaam ahaan kala sarreeya kuwaas oo lagu xad-gudbo shaqsiyadooda gaarka ah.

Baraha Bulshadu waxaa ugu danbeyn lagu sifeyn karaa fadhi-ku-dirirkii qaddiimiga ahaa ee la iskugu imaan jiray goob cayiman. Balse gudo ahaan aad bay uga macno ballaaran yahiin marka la fiiriyo baaxadda ay la’eg yahiin tirada dadka ku midaysan oo – iyaga oo ku kala nool meelo kala duwan – awoodi kara inay gorfeeyaan dhacdo socota.

Waxa ka dhigay Bar-kulanka Baraha Bulshadu duni u furan gorfeynta iyo faaqidaada dhacdooyinka maalinlaha ah waa in da’deedu aysan lahayn xad lagu yaqaan.

Si mida gayaanka ku jira hana-qaadka hore ee nolosha iyo da’da culus waxay wadajir isula jaan-qaadaan qaadaa-dhigga sheekooyinka dharaar kasta lala  noolyahay ee lasoo dhigo baraha haba ugu horreyo facebook.

Qoraallada isugu jira taariikhaha, siyaasadda, ciyaaraha, jaceylka iyo maaweelada,  ayaa udub dhexaad u ah is-dhaafsiga aragtiyada iyo soo-gudbinta macluumaadka ka kala dahsoon. Waana dhinaca fiican.

Balse mid aan helin mudnaantii loo baahnaa ama aan loo yeelan fiiro gaar ah waa marka ay timaado ka-hadalka dhacdooyinka la xiriira xurriyadda shaqsiyaadka ama marka la rabo in laga fal-celiyo fikirka qofka.

Waxa yaab leh in qofka fikirkiisa ama muuqaalka lagu arko sumad ahaan loogu naaneyso ama xifaalo ahaan la isla dhex maro baraha bulshada. Toddobaad walba waxaa taagan dhacdooyin shaqsiyadeed kuwaas oo – in kasta oo fikradahooda aan lala wada dhici Karin – aan xaqna aysan taasi albaab u furi Karin ku xad-gudubka qofnimadooda gaarka ah.

Hal-dhacdo iyo dhowr fikradood oo aad qofka ku kala duwan tihiin micnaheedu ma ahan inay keensaneyso inaad xusuusan weydo waxyaalaha ama fikradaha aad ka midaysan tihiin. Kamana dhigna inay taasi la imaan karto kala-tag iyo ilaaq ama muran ku dhisan aflagaado. Waayo waxaa badan inta laga wada siman yahay aragti ahaan.

Ayaan-darro falsafaddani ma ahan mid sahay u ah saaxiibada ku midaysan baraha bulshada. Taas bedelkeeda aragtida kale ee ku dhex baahsan baraha kala duwan waa naqdin indha la’ iyo canbaareyn qaawan oo qofka lagula kaco.

Sideedaba xurriyadda qofku waxay ku eg tahay meesha ay ka bilaabato qofka kale xurriyaddiisa. Dhaqan ahaan, dib markii aynu u fiirino siduu ahaa wada-hadalkeennii hore, waxaan soo heli karnaa inuusan mar walba yeelan jirin dhammaad farxad leh.


Maanta oo la yimid hannaan sahlaya fadhi-ku-dirir aan ugu yaraan gacmaha la iskula tagi Karin – oo masaafo ahaan aad loo kala fog yahay – waa lama huraan in la qadariyo hoggaanka umadda si walba oo ay u leeyihiin dhaliilna waa in loo maraa tilmaanta dhaliishooda sifaha saxda ah.

Saturday, July 21, 2018

Yoonis Cali Nuur; Shumac ka baxay Saxaafadda Soomaalida!!!!!!!!!

Facebook
Alle ya raxma; Waxa uu ahaa mid kamid ah ragga aan iga go'aynin nolasheyda marka laga hadlo saxaafadda soomaalida, waxaan la kawsaday dhageysigiisa horraantii 2003-da  aniga oo markaas aad u jeclaa mihnadaan aan lugta la galay 2011.

Inkasta oo aan garaneyn cod ahaan mooyee muuqiisa dhabta ah oo aysan ii suuragelin la kulankiisa inta uu noolaa; ka sokow sawirada iyo muuqaalada baraha bulshada haddane waxaan hubaa inuu iiga dhignaa shaqsi muddo aan isnaqiin sida aan ugu xirnaa ee aan u jeclaa barnaamijyada uu daadihiyo.

Ereybixinada uu adeegsado, xirfadda isku xirka wararka iyo codkiisa oo gaar ah  kana duwan wartabiyaasha la shaqeynayay ayaa iiga dhigay saaxiib aan ka kaga naxay geeridiisa sida qof ii dhaw.

Waa ay jiraan wariyaal iminka nool oo wali ii ah macallimiin sida Yoonis Cali Nuur, Allaha u naxariistee oo aan ka barto erey bixinnada, Axmed Cabdi Nuur, C Nuur Sheekh Mxd Isxaaq, C risaaq Xaaji Mxd Siraad iyo Yuusuf garaad oo siyaasi isku rogay balse aan ku xiranahay Blogiisa ayaana ka mid ah.

Muddada dheer ee uu saxaafadda ku jiray waxay siisay sumcadda bulshada dhexdeeda ka sokow in lagu daro liiska halyeeyada saxaafadeed ee bari caan ka soo ahaa dalka, taas oo aan ku xusuusto mar darsi jaamacadda ley siinayay inuu ka mid ahaa shaqsiyaad darsiga ku jiray oo dhegaha bulshada qabsaday billawgii FM ku hadla afkeenna hooyo.

Dabeecad Wanaagga iyo xirfad aqoonnimada ay ka sheegeen inta taqaan ama la soo shaqeysay waxay ka marag tahay shaqsiyadda uu ahaa, Eebaw gadaashiis hana fidneyn.


Waa dhabbe ina wada sugaya dhammaanteen, waxana alle uga baryayaa inuu ku abaal mariyo jannadiisa Farduus.

Sunday, July 15, 2018

Sooyaalka Ciyaar dhamaadka koobka dunida ka hor caawa

Dhacdada ugu weyn kubadda cagta oo ah ciyaar dhamaadka koobka aduunka uu agaasimo xiriirka caalamiga ah ee kubadda cagta ee FIFA, ayaa waxa isaga hor imaanaya xulalka France & Croatia.

Waa tartan xilliyeed afartii sanaba mar la qabto tan iyo 1930-kii, keliya marka laga reebo sanadihii 1942, 1946, oo dagaalkii labaad ee dunida awgiis aan loo qaban.

Xulka Jarmalka ayaa ah geesiga tartankaan ka hor 8 fiidnimo ee caawa oo ay kala cadaan doonto cidda kala wareegeysa kursi sharafeedkaas sanadaan 2018.

Caadiyan ciyaartu waa 90 daqiiqo oo loo kala jaray min 45 daqiiqo, waxaana u dhaxeeya 15 daqiiqo oo nasiinno ah, tiiyoo dhici karto in ciyaarta leysku mari waayo xattaa daqiiqadaha beer darrada ah, markaas oo loo baahdo waqti dheeraad ah oo isna haddii leysku mari waayo sheekadu ku soo biyo shubato gool ku laad.

Hase ahaatee mar ayay dhacday in aysan ciyaarta kama danbeysta ahi sidaas noqon waana sanaddii 1950, xiliigaas tartanka waxa isugu soo haray 4 xul oo kolkii danbe Uruguay loo gartay iney hanato madaama ay dhibcaha ugu badan ay uruursatay.

20-kii tartan ee la qabtay taariikhda koobka aduunka sanadan ka hor waxaa ka qeyb galay 76 dawlad, waxa guula ka xaqiijiyay 8 dal keliya, waxaana hogaaminaya Xulka Brazil oo hantay 5 ka mid ah, halka xulalka Italy iyo Germany iyana min 4 ayay kala xigsadeen.

Italy ayay iyana micno kale uga dhigantahay iney keli ku tahay laba jeer oo xiriir ah in la qaado dhacdo kubadeedkaa aduunka waana sanadihii 1934—1938 ka hor inta aysan Brazil sidaas oo kale sameyn bartamihii qarnigii tagay; jeer Hollanna ay 3 jeer keli ku tahay imaanshiyaha ciyaar dhamaadka wallaw aysan weli qaadin koobkaan.

Aan xoogaa yare jaleecno geesiyada sidan oo kale isugu yimid ciyaar dhamaadka koobka aduunka tan iyo billawgii qabsoomiddiisa.

1930-kii, waxaa heerkaan isla yimid xulalka Uruguay iyo Argentina, 4—2 waxa ay guusha ku raacday Uruguay oo dalkeeda lagu marti geliyay.

1934-kii, waxaa Finalka isla tiigsaday xulalka Italy iyo Czechoslovakia, ciyaar waqti dheeriya leysla tagay waxa 2—1 koobka kula hoyday marti geliyaashii sanadkaas ee Italy.

1938-kii, Italy ayaa mar kale timid ciyaar dhamaadka, waxaana kula mideysnaa Hungary, Ciyaar Paris- France  ka dhacday waxaa 4—2 ku labeystay Italy.

1950-kii, Uruguay ayaa mar kale labeysatay, waana labada mar oo ay taariikhda koobkaan heshay.
1954-kii, Jarmalkii galbeed iyo Hungary ayaa isugu yimid Finalka, Switzerland kulankii ka dhacay waxa mar kale halkaa niyad jab kala tagay Hungry oo lagu garaacay 3—2.

1958-kii, Brazil ayaa aheyd marti geliyaashii sanadkaas oo Sweden ku tuntay gurigooda ciyaar ku soo idlatay 5-2.

1962-kii, Brazil iyo Czechoslovakia  ayaa isugu yimid Magaalada Santiago ee Dalka Chile, Brazil ayaa ku labeystay markii ay ku dhamaatay ciyaarta 3—1.

1966-kii, Ingiriiska iyo Jarmalkii galbeed ayaa isugu yimid, waxaana Ingiriisku markaas ku garaacay ciyaar waqti dheeraad ah leysla aaday 4—2, isagoo ka faa’ideysanaya marti gelintiisii sanadkaas, waana marka qura ee taariikhda koobkaan loo hayo.

1970-kii, Brazil iyo Italy ayaa ku kulmay dalka Mexico, 4—1 waxaa looga adkaaday Italy.

1974-kii, Jarmalkii galbeed iyo Holland ayaa isla yimid ciyaar dhamaadka, Marti gelintiisa si wanaagsan ayuu uga faa’ideystay Jarmalka 2—1 ayaa looga badiyay Holland.

1978-kii, Argentina iyo Holland ayaa isla soo tiigsaday Finalka, Argentina oo markaas marti gelineysay ayaa ciyaar bar-baro 1—1 ah leyska dhaafi waayay balse waqti dheeriya lagu daray kaga badisay 3—1 waddanka Holland.

1982-kii, Italay ayaa ku qaraar baxday Jarmalkii galbeed, 3—1 ayayna ku garaacday ciyaar ka dhacday Magaalada Madrid ee Dalka Spain.

1986-kii, Argentina ayaa 3—2 kaga adkaatay Jarmalkii galbeed oo markaas la loodin la’aa, waxana markii labaad marti geliyay Finalkaas Mexico.

1990-ka, Jarmalka galbeed ayaa ka aarsaday Argentiina oo kaga badiyay 1—0 ciyaartii ka dhacday Italy.

1994-kii, Brazil iyo Italy ayaa markoodii labaad isku qabtay ciyaar dhamaadka koobka aduunka, Sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta iyo waqtigii dheeriga ahaa waxay ku kala tageen 1—1, balse 3—2 waxa gool ku laad ku badiyay Brazil.

1998-kii, France iyo Brazil ayaa ciyaar dhamaadka ku wada dheelay Faransiiska, reer Paris waxay muujiyeen in dalkooda la joogo, waxayna ku dhamaatay 3—0 oo uu koobka la hoyday Faransiiska.

2002-dii, Brazil iyo Germany ayaa foodda is daray, Japan ciyaartii ka dhacday 2—0 waxa koobkii ku qaaday xulka Brazil.

2006-dii, France iyo Italy ayaa isla tiigsaday ciyaarta kama danbeysta, Waqti dheeriya kaddib, Talyaaniga ayaa 5—3 gool ku laad ahaa waxa uu koobka keenay Roma, isagoo kala yimid Barlin.

2010-kii, Spain iyo Holland ayaa noqday geesiyaasha sanadkaas, hase ahaatee soddonkii daqiiqo ee dheeraadka intii lagu guda jiray ayay Spain hoggaanka qabatay, 1—0 taas ayayna Spain ku noqotay horyaalka dunida sanadkaas.

2014-kii, Jarmalka iyo Argentina oo kuwada ciyaaray Brazil waxay isla dhaafi waayeen bar-baro, balse waqtigii dheeriga kaddib Jarmalka ayaa ku badiyay 1—0, waxayna sidaas ku yihiin geesiyaasha sideeda fiidnimo ee caawa ka hor inta Croatia iyo France midkood loo caleema saarin horyaalka dunida.

Kulaan kama danbeysta ah ayaa noqonaya kii 21 ee koobka aduunka,  waxana uu ka dhacayaa Magaalada Moscow ee xaruunta Dalka ruuska, Sida la qorsheynayana daawadayaasha dunida ka sokow Aqalka looga arimiyo ruushka ee Karamaliinka waxa uu ku dhawaaqay in ay soo xaadiri doonaan 14 hoggaamiye oo ka mid ah kuwa caalamka.

Waxa ugu horreeya Madaxweynaha Armenia, Madaxweynaha Belarus, Re’iisulwasaaraha Hungary, Madaxweynaha Gabon, Amiirka Qadar, Reysulwasaaraha Kyrgyzstan, Madaxweynaha Moldova, Madaxweynaha Palestine iyo kuwa kale.

Sida la qorsheynayo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo isna goobta imanaya ayaa ka qeyb qaadan doona billad bixinta xulalka.


Layliyaasha labada dhinac ayaa mid walba  muujiyay rajada uu ka qabo inuu isaga la hoydo koobka, balse is wediinta ayaa ah ma France oo ka mid ah 5 xul ee loo saadaalinayay Koobka ka hor bilaabashadiisa ayaa ka dhabeyn doona mise Croatia oo aan weligeed qaadin ayaa bar-bareyn doonta Faranca marka la eego hanashada koobkaan.

Tuesday, June 12, 2018

ما أشبه هذه الليلة بالبارحة:

Qallin jebiyaasha MU 2018
Waxaan Farxadda la qaadanayaa Ardayda ka qallin baddeshay kulliyadda Siyaasadda iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Muqdihsho, gaar ahaan qeybta Saxaafadda.

Saddex sano ka hor ayaan ku qallin-jebinnay 12 Arday isla kulliyadaan, maanta sidii oo kale ayay 12 ka mira dhaliyeen dedaalkoodii ay soo wadeen afartii sano ee la soo dhaafay.

Waxa ii kulansan labo farxadood oo middood ii gaar tahay, midna aan la qabo Suxufiyiintaas Cilmi ahaan u bartay mihnaddaan qiimaha badan, samir iyo harjad dheer kaddibna arkay biya-dhaca hayaan soo qaatay afar sano.

Waxay ii aheyd dufcadii ugu horreysay ee aan safar la soo galo, inaan u ahaa muxaadir labadii Simistar ee ugu danbeysay 7-8, islamarkaana  aan kamid ahaa barayaashoodii jaamacadda haddane waxay ii ahaayeen saaxiibo aan ka kororsaday la jirkooda cilmi iyo dabeecad, waxay ii muujiyeen jaceyl saaxiibnimo ka sokow xishmadda iyo waajibaadka innaga dhaxeeyay.

Qaarkood horey ayaan u soo wadaagnay shaqo, kuwo kale iminka ayaan isku goob ka wada shaqeynaa, halka asxaab kalane aan isku barannay geedigaan ku soo dhamaaday guusha.

Hase ahaatee kala qaad la'aan waxa aan ku ammaani karaa shaqsiyaad tacliin iyo jiheynba u diyaarsan iney ahaayeen, iyana ku wanaagsanaa tala siinta barayaashooda iyo bulshada inta ay ka dhex shaqeeyaa.

Waa hubanti xarumaha ay joogaan iyo inta ay la shaqeeyaanba iney marag ka yihiin erayada qormadaan ku dhigan, waa madaalayaal u dhabar adeegay caqabaadka isku guntan ee marba ka soo food saarayay saddex xagalka ay ku dhex jireen, Waxbarashada--Shaqada iyo nolasha magaalada oo ay ka marag yihiin inta ku qaata waayahooda nolasha ee weliba shibilka ah.

Isu-geyn dabadeed waxa aan farriinteyda farxadda la qeybsanayaa ardayda- waalidka- bahda saxaafadda iyo dhammaan bulshada ay codka u yihiin, waxaana leeyahay waxaad furteen illinkii tacliinta-- waxa idinka iyo innagaba aan kula dar-daarmayaa harjad aan dhamaad laheyn iyo nolol ku dhisan aqoon.


Hanbalyo                        Hanbalyo                          Hanbalyo